Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Wasiir Gallan ” Mudug Jaanis baan u waayay aan ku taggo”
    Puntland

    VIDEO: Wasiir Gallan ” Mudug Jaanis baan u waayay aan ku taggo”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa in uu tagi waayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug oo dhowaan ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga.

    Wasiir Gallan oo ka jawaabayay Su’aalo uu weydiiyay Xildhibaan ka tirsan  Baarlamaanka Puntland oo ahaa, “Maxay tahay sababta ilaa iyo hada aadan u tagin Gobalka Mudug ? Maxaase ay tahay sababta adoo jooga Shaqadaadii loogu Magacaabay Guddi, ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku mashquulsanaa Xaalada amni ee Gobalka Bari iyo arrimihii ka dhacay Gobalka Sanaag, taasna ay ka hor istaagtay inuu tago Gobalka Mudug.

    https://www.youtube.com/watch?v=DsNEL_ss3h4&feature=youtu.be

    Wasiirka Amniga Puntland ayaa tilmaamay inuu si dhow ula socday amniga Gobalka Mudug, ayna wada-shaqeynayeen Guddigii uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Deni u Magacaabay Xaalada amni ee Gobalka, balse uu waayay jaanis uu ku tago.

    Dhanka kale, Wasiirka Amnig Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka hadlay eedeymo ay u jeediyeen Guddiga amniga ee Golaha Wakiilada Puntland oo ahaa inuu askareeyay Dhalinyaro, kuwaas oo xaalada amni darro ka abuuray Gobalka Bari, isagoona sheegay in aysan waxba ka jirin Eedaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.