Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Weerarkii London oo Todobo qof loo qabtay
    Somalia

    Video:-Weerarkii London oo Todobo qof loo qabtay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 23, 2017Updated:March 23, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliiska Britain ayaa maanta sheegay inay xireen toddoba qof kadib weerarkii arbacada ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee magaalada London, kaasi oo saddex qof lagu dilay, soona dhammaaday markii sarkaal boolis uu toogasho ku dilay qofkii weerarka soo qaaday.

    Mark Rowley oo ah madaxa qeybta ka hortagga argagixisada ee booliiska London ayaa sheegay in xarigga uu yimid kadib baaritaan lagu sameeyey lix guri, islamarkaana baaritaanada ay weli ka socdaan, London, Birmingham iyo qeybaha kale ee dalka.

    Ma uusan sheegin haddii dadka la xiray ay si toos ah ugu lug lahaayeen weerarkii arbacada.

    “Waxaan weli rumeysanahay in qofka weerarka geystay uu kaligiis waxan sameeyey, islamarkaana ay dhiiri geliyeen argagixisada caalamiga ah” ayuu Rowley u sheegay weriyayaasha.

    Waxa uu sidoo kale sheegay inay la tahay in magaca qofka weerarka geystay aan la shaacin inta lagu gudo jiro marxaladdan xasaasiga ah.

    Baaritaanka ayaa waxaa iminka diiradda lagu saarayaa sababta weerarka, qaabkii loo diyaariyey iyo dadka xiriirka la leh ninka weerarka fuliyey ee dadka ku jiiray buundada Westminster.hoos ka daawo muuqalaka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.