Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Weerarkii London oo Todobo qof loo qabtay
    Somalia

    Video:-Weerarkii London oo Todobo qof loo qabtay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 23, 2017Updated:March 23, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliiska Britain ayaa maanta sheegay inay xireen toddoba qof kadib weerarkii arbacada ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee magaalada London, kaasi oo saddex qof lagu dilay, soona dhammaaday markii sarkaal boolis uu toogasho ku dilay qofkii weerarka soo qaaday.

    Mark Rowley oo ah madaxa qeybta ka hortagga argagixisada ee booliiska London ayaa sheegay in xarigga uu yimid kadib baaritaan lagu sameeyey lix guri, islamarkaana baaritaanada ay weli ka socdaan, London, Birmingham iyo qeybaha kale ee dalka.

    Ma uusan sheegin haddii dadka la xiray ay si toos ah ugu lug lahaayeen weerarkii arbacada.

    “Waxaan weli rumeysanahay in qofka weerarka geystay uu kaligiis waxan sameeyey, islamarkaana ay dhiiri geliyeen argagixisada caalamiga ah” ayuu Rowley u sheegay weriyayaasha.

    Waxa uu sidoo kale sheegay inay la tahay in magaca qofka weerarka geystay aan la shaacin inta lagu gudo jiro marxaladdan xasaasiga ah.

    Baaritaanka ayaa waxaa iminka diiradda lagu saarayaa sababta weerarka, qaabkii loo diyaariyey iyo dadka xiriirka la leh ninka weerarka fuliyey ee dadka ku jiiray buundada Westminster.hoos ka daawo muuqalaka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.