Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Xildhibaanadda kasoo jeedda Somaliland oo eedeyn u jeediyay Dowladda dhexe
    Puntland

    VIDEO: Xildhibaanadda kasoo jeedda Somaliland oo eedeyn u jeediyay Dowladda dhexe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaar ka mid ah xildhibaanadda kasoo jeedda degaanada maamulka Somaliland ee ku jira labadda aqal ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay Madaxda Sare ee dalka oo ay ku eedeeyeen in ay Cunaqabateyn saareen maamulka Somaliland.

    Xildhibaanadda ayaa beeniyay hadalkii ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay fasaxday Markabkii ku xayirnaa Dekedda Jeddah ee Xoolaha siday.

    Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaanadda Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu cunaqabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo markii la doortay.

    Waxaa uu sheegay in dhammaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ay burburisay heshiisyaddii ay horay u wada gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

    Xildhibaanadda ayaa xusay in aysan jirin door ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku leedahay hanaankii lagu siidaayay Markabkii xoolaha siday ee ku xayirnaa Boqortooyadda Sacuudi Carabiyah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.