Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Yaa gardatan reer Puntland iyo Farmaajo?
    Somalia

    Video:-Yaa gardatan reer Puntland iyo Farmaajo?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Farmaajo si aan Weligeed Puntland cid loogu soo dhaweyn,ayaa loogu soo dhaweeyey.

    800 oo km,ayaa hooyooyin,Odayaal, Isimo, Arday,Shaqaale Dowladdeed,Ciidamo, xitaa caruur loo tubay iyagoo calamo iyo ubax qoyan u ruxaya.

    Muqdisho markuu ku noqday wuxuu shaqadii ka eryey..

    1.15 shaqaale hoose ah oo reer Puntland ah

    1. wuxuu diiday qaybtii tababarada ciidamada Reer Puntland, wuxuu joojiyey.
    2. MShahaadooyinkii Aradayda Puntland.

    4 Waxuu joojiyey mucaawinadii deeqaha Waxbarshada ee Puntland la siin jirey.

    5.Waxaa laga codsaday in uu Dhagax dhigo Dekeda Garacad waa diiday.

    6.Waxaa laga codsaday in uu bilaabo mashruucii Jidka Kala-Bayr Qandala-Caluula, wuu diiday.

    7.Waxaa laga baryey in uu siidaayo Sadex Mashruuc oo Puntland ka sugaysay wadamada deeqda bixiya oo saxiixa Farmaajo ku xirnaa, oo ay ka mid ahayd.

    1.Dhismaha Jidka dheer ee Gaalkacyo-Garowe.

    2.Dayactirka Jidka Bosaso-Garowe wuu diiday.

    Farmaajo waxaa Xamar ugu tagey Isimadda reer Puntland intooda badan waxayna kala soo hadleen in Farmaajo ka daayo walaalihiis cuno-qabataynta uu la dultaagan yahay.

    Afar sano ayaan hal shilin oo taageero ah uga imaan Puntland dhanka Fedaraalka.

    Waddamadii ay Puntland waxuun kaalmo ah ka heli jirtayna kuligood wuu ka joojiyey oo wuxuu u bixiyey siyaasiyiinta xanaaqsan ee qaraabta.

    Markii ay bilaabatay doodaha iyo is-maan-dhaafka siyaasadda iyo doorashadu ugu yaraan ilaa 5 jeer,ayaa Farmaajo lagu casumay Garowe si loo xaliyo is-afgaran-waaga arimaha doorashada.

    Farmaajo wuxuu yiri waa laga gudbay Garoowe 1 iyo Garoowe 2, waxaasna waa dhaqan xun oo laga gudbay,dowladdaydu waa dowlad isku filan oo awood leh, Garoowena shirarka noocaas ah mar danbe loo tegi maayo, haddii meel shir lagu qabanayo waxay noqon Xamar, Baydhabo ama Dhuusamareeb.

    4 sano oo iska daba wareeg iyo qorsho xumo ah waxay ku soo dhamaatay Soomaliya oo jiho loo samayn waayey, Waqtigiina dhamaaday, adduunyadiina lagu ceeboobay oo Soomaliya loo arko meel aan waxba qabsan karin iyo madax aan lahayn awood iyo fikir hogaamineed.

    Ilaahay wuxuu qadaray in maanta cimrigu ku soo gaarsiiyo Farmaajo oo leh walaalayaalow shir Garoowe halagu qabto, hadde ogow 4 sano,ayuu diidanaa shir Garoowe lagu qabto.

    Qof kasta oo wax garanaya wuu og yahay hadalka ah Garoowe shir halagu qabto inuusan Farmaajo jeclayn ee dantu baday meel kale oo uu u ciirsadana uu waayey.

    Laakiin Puntland waxaa u muuqda tixdii Maxamuud Cali Beenaley…

    Aniguba markaan kaa lalmaday iima loodsamine.

    Lubigii walaalnimo ninkii laalay baad tahaye.

    Gablan lexo jecloy waa wixii lumiyey Ayjeexe.

    Qore: Osman Abdihalim Osman

    Halkan ka daawo muuqaalka soo dhaweyntii Farmaajo ee Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.