Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wada-hadalo u dhexeeya DF Soomaliya Iyo Somaliland oo bishan ka furmaya Ghana (Daawo)
    Puntland

    Wada-hadalo u dhexeeya DF Soomaliya Iyo Somaliland oo bishan ka furmaya Ghana (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 14, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DUBIA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in 19-ka bisha March uu dalka Ghana ka dhici doona Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

    Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Wada-hadaladan ay dhex dhexaadinayaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afica, Mareykanka iyo UK, laguna dhisi doono Guddi sii wada dhex dhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

    Muuse Biixi oo la hadlayay xalay Dadka kasoo jeeda Degaanada Somaliland ee degan Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa tilmaamay inuu aaminsan yahay in Wada-hadaladani dhinaca DF Soomaaliya, maadama hada Madaxda dowladda Soomaaliya ay diidan yihiin wada hadaladaas.

    Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan wada hadalada uu sheegay Madaxweynaha Somaliland inay bishan ka dhici doonaan dalka Ghana ee ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

    Labada dhinac ayaa horay ugu shiray dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, waxaana ay tahay arrin cusub in Soomaaliya iyo Somaliland uu wada hadalkooda ka dhaco dal ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika

    Daawo.

    https://www.facebook.com/XafiiskaSaxaafaddaMadaxtooyadaJSL/videos/407916746446292/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.