Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wajiga Labaad Ee dagaalka argagixisada oo la qorshaynayo,iyadoon kii koobaad lagu fashilmay
    Somalia

    Wajiga Labaad Ee dagaalka argagixisada oo la qorshaynayo,iyadoon kii koobaad lagu fashilmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 8, 2023Updated:April 8, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wajigii Labaad ee dagaalka argagixisada B iyo K Dalka,ayaa la qorshaynayaa in uu bilowdo dhawaan.

    Dagaalka Wajigiisan,waxaa qayb ka noqonaya Ciidamo Shisheeye,gaar ahaan Dowladaha loo yaqaan Safka hore sida..

    B.Itoobiya.
    T.Kenya.
    J.Uganda
    X.Jabuti.

    Sida qorshuhu yahay Ciidamo gaaraya ilaa 30-Kun oo 15-kun oo ka mid ah ay tahay Itoobiyaan,ayaa loo qorsheeyay hawlgalkan.

    Itoobiyaanka,ayaa ku Aadan Gobollada Gedo,Jubooyinka,Bay iyo Bakool.

    Jabutiyaanka iyo Kenyanku waxay ka cudur daarteen in ay ka qaybgalaan weerarada,waxayse ballan qaadeen in ay sugayaan Magaalooyinka la qabto.

    Abaabulka iyo diyaarinta hawlgalkan,waxaa iska leh Dowlada Maraykanka oo ka taxadaraysa kala daadsanaanta Somaliya in ay fududayso soo gelida Shiinaha ee Geeska Afrika.

    Dhanka Dowlada Somaliya,waxaa hawlgalkan ay ku daraysaa Ciidamo Somaliya,waxay kaloo umagacowday isku xirka Ciidamadan.

    Hawlgalka Wajigiisa Labaad,ayaa kusoo Aaday,iyadoo Wajigiisii hore lagu fashilmay oo Ciidamada Dowladu hanan waayeen Deegaamadii la qabtay.

    Marka la qiimeeyo weeraradii argagixisadu ku qaaday Fariisimaha Galcad,Janaay Cabdalla iyo Bar-sanguuni,waxaa muuqatay in Ciidamada Dowlada Xamar taageerto aysan awood ulahsyn dagaalka.

     

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.