Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wajiga labaad ee mashruuca Caafimaadka Gobalka Gardafuu oo la daah-furay (Sawirro)
    Somalia

    Wajiga labaad ee mashruuca Caafimaadka Gobalka Gardafuu oo la daah-furay (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 25, 2021No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa hay’adda Badbaadada caruurta (Save The Children) ayaa maanta ka daahfuray wajiga labaad ee mashruuc caafimaadka oo ka socday gobolada Bari iyo Gardafu oo ay ka wada shaqaynayeen wasaaradda iyo hay’adda Save the Children.

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo uu weheliyo wasiirudawlaha wasaaradda qorshaynta iyo agaasima waaxeedyada qorshaynta iyo caafimaadka asaasiga ah, waxaa sidoo kale ka qaybgalay isku duwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Bari.

    Gudoomiyaha Degmada Mohamuud Ismaaciil oo xaflada furitaankeeda ka hadlay ayaa yiri:-
    Waxaan ku faraxsanahay idinkuna soo dhaweynayaa degmadda Iskushuban ee gobolka bari, waxaan sidoo kale bogaadinayaa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Save the Children inay maanta nagu wareejinaysaan Dhaawac la roor (Ambulance) aan baahi badan uqabnay sidoo kale mashruucaan muhiimada gaarka ugu fadhiyay caafimaadka Gobolada Bari iyo Gardafu.

    Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka Puntland Gobolka Bari Siciid Mohamed Waraabe oo isna ka hadlay xaflada ayaa yiri:-

    “Waxaan uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Save the Children in maanta ay dabooleen baahi weyn oo ka jirtay degmada Iskushuban, waxaan sidoo kale ku amaanayaa maamulka caafimaadka degmadda oo aan ku amaanayo inay wax badan ka qabteen caafimaadka degmada waana ku bogaadinayaa, waxaan sidoo kale soo jeedinayaa in la ilaaliyo gaarigan Amblusta ah ee la idiin keenay loona dhiibo qof masuul ah oo meelkasta oo degmada ka mid ah lagu tagi karo waqtiga xaalad dagdag ah soo dhacdo.”

    Madaxa hay’adda Save The Children Soomaliya Mohamuud Mohamed Xasan oo ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wasaarada iyo hay’addu ka wadaan Puntland gaar ahaana adeega caafiaadka oo gaaray inta badan meelaha laamiga ka fog. Mashruuca caafimaadka ee CHASP waxaa wada fuliya wasaaradda caafimaadka iyo hayada Save Children waxaana laga fuliyaa 58 xarummod oo ku yaal Gobolada Bari iyo Gardafuu waxaana maalgeliyey dowladaha Sweden iyo Swizerland waxaa hada ka daahfurayaa wajigi labaad oo ah mudo saddex sanno ah.

    Mohamud oo hadalkisa sii wata ayaa yiri “waxaana kale oo maanta wareejinaynaa laba gawaarida gurmadka ah oo lagu wareejinaayo Degmooyinka Iskushuban iyo Balidhidin si ay u caawiyaan hooyooyinka xilkiga foosha oo gurmad u baahan iyo dadka kaleba, waxaana rajeynayaa inuu baahiyahaas wax ka qabto.

    Sidoo kale Madaxa Save the Children wuxu yidhi “waxaan balanqaadayna in lasii joogteeyo ka shaqaynta arimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada. “Si looga gudbo duruufaha taagan mar walba waa in shaqa abuur la sameeyo, dhalinyaradana lagu booriyo shaqada iyo barashada xirfadaya gacanta, markaa baa la yarayn karaa isku filnaanshaha bulshada iyo daboolka baahiyaha kala duwan”

    Guddoomiyaha Gobolka Bari Abdisamad abwaan oo ka hadlay ayaa sheegay:-

    “In uu ku faraxsanyahay dhankiisa in maanta uu idinkala soo qaybgalo baabuur gurmadka degdeg ah oo la idinku wareejinayo iyo mashruucaan caafimaad ee ka socda gobolada Bari iyo Gardafu, Dawlada uu hogaaminayo madaxweyne Siciid Abdulaahi Dani waxaa ka go’an in dhamaan dawladu gaarto degmooyinka laamiga ka fog.”

    “Waxaan ku amaanayaa wasaaradda caafimaadka Puntland iyo wasiir Jamac in inta badan degaamada ay wada gaartay sidoo kalena ay bulshada caafimaadkooda masuuliyad weyn iska saartay.”

    Xildhibaan Xareed oo ka hadlay ayaa amaanay shaqada wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa hay’adda Save The Children ay ka wadaan gobolka Bari iyo guud ahaan degmooyinka laamiga ka fog. Waxaan rajaynayaa idinkana inaad ilaashataan sidoo kalena wax ku darsataan.

    Wasiirudawlaha wasaaradda qorshaynta Puntland oo isna ka hadlay ayaa xusay in uu ku faraxsanyahay inaan idinkala soo qaybgalo mashruucaan caafimaad iyo gaariga gargaarka.

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo xaflada soo xiray ayaa yiri:-

    “Waxaan ku faraxsanahay maanta inan degmada Iskushuban kaga daahfuro mashruuc caafimaad oo saddex sano ee soo socota ka socon doono gobolada Bari Iyo Gardafu, sidoo kale aan idinku wareejino kana jawaabo codsigiini ugu danbeysay ee ku saabsanaa baahida loo qabay gaari ambulus ah oo lagu qaado hooyada fooshu ku adkaato iyo dadka kale ee baahida uqaba.”

    “Waxaan sidoo kale wasaaraddu dhakhso uga hawlgali doontaa anaga oo ka jawaabayna codsiga gudoomiyaha degmada helitaanka qaybta qaliinka hooyada uurka leh ee ubaahan in la qalo insha allah.

    “Ugu danbeyn waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ka faa’iidaysataan gaarigaan qof macquul ah oo aad masuuliyadiisa hubisaana aad udhiibtaan.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.