Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wakiilka QM ee bariga Afrika oo socdaal ku yagay Muqdisho
    Somalia

    Wakiilka QM ee bariga Afrika oo socdaal ku yagay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa soo booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.

    Sarkaalka UN-ka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay wakiillo kala duwan oo heer qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga gobolka, doorashooyinka, horumarka, gargaarka iyo arrimo kale.

    Kulamada Mr. Onanga-Anyanga waxaa ka mid ahaa kulan uu la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, Balal Mohamed Usman, kuwaas oo uu kala hadlay muhiimadda wada hadalku u leeyahay nabadda iyo barwaaqada gobolka.
    Wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ibraahim, waxayna ka wada-hadleen qaar ka mid ah caqabadaha iyo fursadaha la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada soo socota ee dalka, (‘hal-qof, hal cod’)

    Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri “Doorashooyinku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin qaran laakiin waxay sidoo kale horseedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qaramada Midoobay”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

    Mr. Onanga-Anyanga wuxuu sidoo kale la hadlay wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay iyo doorka macnaha leh ee haweenka iyo dhalinyarada ay ka ciyaarayaan howshan.

    “Waxaan u tagey magaalada Muqdisho anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda si ay uga gudbaan caqabadaha hada jira.” Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.