Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wakiilka QM ee bariga Afrika oo socdaal ku yagay Muqdisho
    Somalia

    Wakiilka QM ee bariga Afrika oo socdaal ku yagay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa soo booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.

    Sarkaalka UN-ka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay wakiillo kala duwan oo heer qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga gobolka, doorashooyinka, horumarka, gargaarka iyo arrimo kale.

    Kulamada Mr. Onanga-Anyanga waxaa ka mid ahaa kulan uu la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, Balal Mohamed Usman, kuwaas oo uu kala hadlay muhiimadda wada hadalku u leeyahay nabadda iyo barwaaqada gobolka.
    Wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ibraahim, waxayna ka wada-hadleen qaar ka mid ah caqabadaha iyo fursadaha la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada soo socota ee dalka, (‘hal-qof, hal cod’)

    Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri “Doorashooyinku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin qaran laakiin waxay sidoo kale horseedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qaramada Midoobay”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

    Mr. Onanga-Anyanga wuxuu sidoo kale la hadlay wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay iyo doorka macnaha leh ee haweenka iyo dhalinyarada ay ka ciyaarayaan howshan.

    “Waxaan u tagey magaalada Muqdisho anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda si ay uga gudbaan caqabadaha hada jira.” Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa kulan Bulshiyeedkii Xamse qabtay?

    September 16, 2025

    Aanada Qabiilka iyo Gobolka Mudug?

    September 16, 2025

    Jarmalku ma waxa uu aqoonsaday Somaliland?

    September 16, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa kulan Bulshiyeedkii Xamse qabtay?

    Aanada Qabiilka iyo Gobolka Mudug?

    Jarmalku ma waxa uu aqoonsaday Somaliland?

    Axmed Madoobe oo diiday in uu Xasan la fariisto

    Magaalada Galkacyo oo dooratay Duq cusub

    Ma jiray xiriir ka dhaxeeyay Argagixisada iyo Nabadoonka la dilay?

    Faallo:Mustaqbalka PL Gacmaha PL First,ayuu ku jiraa

    Xiliga ay dhacayso Doorashada Duqa Galkacyo oo la asteeyay

    Puntland oo qaramanaysa Maleeshiyaadka Beelaha

    Faahfaahin duqayn ka dhacday duleedka Degmada Ceelbuh Ee Sanaag

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.