Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee Wafuud balaaran oo ku qul-quleysa Magaalada Kismaayo.
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee Wafuud balaaran oo ku qul-quleysa Magaalada Kismaayo.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wufuud kala duwan oo doonaya inay ka qeyb-galaan Munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

    Wufuudan aya a la filayaa inay ka kala tagaan Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Nairobi, waxana ku jira Siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.

    Magalada Kismaayo ayaa waxaa hataan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee manta tegaya,, iyada oo amniga Guud ee Magalada Kismaayo aad loo adkeeyay,isla markaana lagu arkayo Ciidamada Jubbaland oo amaanka xaqiijinaya.

    Madaxweynihii hore ee Galmudug C/Kariin xuseen Guuleed iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo, kuwaas oo diyaarad khaas ah ay ka keentay Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey cunaqabateyn u saartay Kismaayo, kana hor istaagtay Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd Sheekh Sharif, ayaan illaa iyo hadda ka hadlin diyaarada katimid Nairobi ee siyaasiyiinta ka dejisay Magalada Kismaayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.