Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warbixin: Khilaaf soo kala dhexgalay Itoobiya iyo Midowga Yurub
    Somalia

    Warbixin: Khilaaf soo kala dhexgalay Itoobiya iyo Midowga Yurub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 5, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta Midowga Yurub u go’aansaday in uu joojiyo kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada baarlamaanka ee shanta bisha June ee soo socota ka dhici doonta dalka Ethiopia.

    Nabila Massrali ayaa u sheegtay wariyaha VOA James Butty in Ethiopia ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada.

    Waxay sidoo kale sheegtay in Etiopia ay diiday in howlgalka Midowga Yurub uu la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa toddobaadkan sheegay in aan loo baahnayn taleefoonada dayax gacmeedka, wuxuuna sababta ku sheegay in goob kasta oo doorasho laga heli karo hab isgaarsiineed oo hoosyimaada nidaamka Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana ay midowga Yurub isticmaali karaan.

    “Waa wax laga xumaado in Midowga Yurub aanu heli damaanad-qaadkii lagama maarmaanka u ahaa astaamaha dimoqraadiyadda ee loo fidin lahaa shacabka Ethiopia. Hufnaanta kormeereyaasha doorashada ayaa udub-dhexaadka midowga Yurub” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Yurub oo ku aaddanaa hakinta kormeereyaasha reer Yurub ee doorashada Ethiopia.

    Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Guddiga Doorashooyinka Ethiopia ay ugu deegeen 20-milyan oo lacagta Yurub ah, si dowladda Ethiopia u diyaariso doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.