Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warbixin: Qiimaha lagu kala iibsanayo Hubka Muqdisho oo saro u kacay
    Somalia

    Warbixin: Qiimaha lagu kala iibsanayo Hubka Muqdisho oo saro u kacay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 6, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qiimaha la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sare u kac ku yimid shantii bilood ee u dambeysay iyadoo arrintan dhowr arrimood loo sababeeyay, sida khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo xaaladi ka jirtay Gobolka Gedo, halkaasoo dowladdu hub u daabuleysay.

    Xog uruurin aan maalmihii la soo dhaafay ku sameeyay hubka lakala iibsado iyo suuqyada loo yaqaano cirtoogte ayaa la ii sheegay in labadi bilood ee la soo dhaafay hubka aad loo kala iibsanayay, iyadoo qiimihii hore la iibinayay labo jibaar ku dhow uu qaaliyoobay.

    Hubka noocyadiisa kala duwan ee la iibsanayay ayaa isugu jiray qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47.

    Dhinacyada ugu badan ee suuqyada cirtoogtaha hubka ka iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Musharaxiinta oo aad isu hubeynayay, waxaana arrintan ay ka dambeysay 19 February markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay Musharaxiinta iyo dowladda oo Hotel ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore la weeraray, sidoo kalena bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta la rasaaseeyay, inkastoo dowladdu cudur daar ka bixisay shaqaaqadaas.

    Hubka kaliya ma noqon qaali waxa kaloo sare u kacay rasaasta la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaasta qoriga RPG ama Sabanka loo yaqaano uu gaaray halkii xabo $260.

    Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa qiimaha hubka noocyadiisa kala duwan

    1- Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka marki hore ahaa 15 kun oo dollar

    2- Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka marki hore uu ahaa 12 kun oo dollar

    3- Qoriga RPG ama sabanka 3kun oo dollr halka hore kun shan boqol oo dollar

    4- AK47 $1,800 halka markii hore $1,100

    5- bastoolada $2,200 markii hore $1,500

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.