๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฌ๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐ ๐ฎ ๐ก๐๐ง๐ญ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐. ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฆ๐๐๐ก๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ ๐ฆ๐๐๐๐ฑ-๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง, ๐ฐ๐๐ ๐ฆ๐๐ฑ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ฎ ๐ฅ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ. ๐๐๐ ๐๐๐ง ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐๐ซ๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐.
Heshiiskii shidaalka ee u dhexeeyey dawladda Soomaaliya iyo dawladda Turkiga ayaa si rasmi ah loo shaaciyey kadib markii loo gudbiyey Baarlamaanka Turkiga. Waxaana si cad u muuqata in Turkigu helay xuquuq dhaqaale oo ballaadhan, isagoo si aan xadidneyn xaq loogu siiyey kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐๐ง ๐๐ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐๐ฒ๐ ๐ฌ๐ข๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ฎ ๐ฎ๐ฅ๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐๐ ๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐:
๐: ๐๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช ๐๐๐๐ซ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐๐๐ง ๐๐๐ฅ๐ ๐๐๐ซ๐ญ๐๐ฆ๐ข ๐๐๐ซ๐ข๐ง: Turkiga waxaa la siiyey xuquuq gaar ah oo uu keligii sahmin karo, horumarin karo, ugana soo saari karo shidaalka gudaha Soomaaliya iyo baddeeda. Ma jirto cid kale oo heli karta xuquuqdaas โ waa monopoly buuxa.
๐: ๐๐๐๐๐ ๐๐ก๐ ๐๐๐ช๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐๐ก๐๐๐๐๐ฒ: Turkigu ma bixinaayo wax lacag ah oo la xidhiidha saxiixa heshiiska, horumarinta, ama wax-soo-saarka โ khidmadahaas oo dalalka caalamku sida caadiga ah malaayiin dollar kaga helaan shirkadaha shidaalka.
๐: ๐๐ก๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐๐ฒ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐: Caadiyan shirkadda maalgashanaysa ayaa bixisa kharashaadka bulshada iyo tababarka, hase yeeshee heshiiskan waxa si gaar ah u dhigaya in kharashaadkaasi noqdaan kuwa โla soo ceshan karoโ โ taas macnaheedu yahay in Soomaaliya ay iyadu bixiso kharashkaas.
๐: ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐๐๐ง๐๐ฒ๐๐ ๐๐% ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ก๐จ๐ซ ๐ ๐๐โ๐ข๐ข๐๐จ ๐๐๐๐๐๐ : Kahor inta aan wax faaโiido ah la wadaagin, Turkigu waxa uu qaadan karaa ilaa 90% wax-soo-saarka shidaalka si uu u daboolo kharashaadkiisa. Soomaaliya waxba kama helayso ilaa Turkigu uu si buuxda u soo ceshado kharashkiisa.
๐: ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ ๐% ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐: Marka heerka faaโiido wadaagga la gaadho, Soomaaliya waxay heli doontaa ugu badnaan 5% oo khidmad ah โroyaltyโ, taasoo si aad ah uga hooseysa heerka caalamiga ah ee u dhexeeya 10% ilaa 15%.
๐: ๐๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐๐ฎ๐ฎ ๐๐จโ๐๐ง ๐๐๐ก๐๐ฒ: Haddii Soomaaliya dejiso sharci cusub oo kordhinaya kharashaadka Turkiga, lacagtaasi si toos ah ayaa looga jari doonaa faaโiidada Soomaaliya. Taas micnaheedu waa in Soomaaliya aan xitaa xor u ahayn inuu is-difaaco sharci ahaan.
๐: ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐๐จ๐ซ ๐ฎ ๐๐๐ก๐๐ฒ ๐๐ก๐จ๐จ๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ฅ๐ค๐: Heshiiska waxa uu siinayaa Turkiga xorriyad buuxda oo uu shidaalka u dhoofin karo meel kasta oo uu doono, iyadoo Soomaaliya aan wax goโaan ah ku lahayn maamulka ama suuq geynta shidaalkaas.
๐: ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ ๐๐ ๐๐จ๐๐๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐๐ฒ๐ ๐๐๐ก๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐: Qodob ka mid ah heshiiska wuxuu ogolaanayaa in Turkigu ciidamo usoo diro si ay u sugaan goobaha shidaalka โ waa fal xadgudub ku ah madax-bannaanida dalka.
๐: ๐๐ก๐ข๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐ฑ๐ค๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฌ๐ญ๐๐ง๐๐ฎ๐ฅ ๐ค๐ฎ ๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐: Dacwad kasta oo ka dhex dhalata labada dhinac waxa lagu goโaaminayaa maxkamad Turkigu martigelinayo, taasoo meesha ka saaraysa madax-bannaanida sharciga Soomaaliyeed.
Heshiiskani wuxuu Soomaaliya gelinayaa xaalad gumeysi dhaqaale oo casri ah. Waa heshiis aan caddaalad ahayn, aan sharciyad qaran lahayn, dunida ma jirto cid heshiish noocan gashaa. Dawladda Ukraine waxay diiday heshiis macdaneed oo Mareykanku rabay 50% faaโiido ah, inkasta oo Mareykanku siiyey Ukraine taageero dhaqaale iyo milatari oo ku dhow $200 bilyan, kana difaacay duullaanka Ruushka.
Dhanka kale, Turkigu xitaa Soomaaliya ma siin wax ka badan $2 bilyan, haddana wuxuu helay 90% shidaalka Soomaaliya.
IDILNEWS