Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Washintong Examiner: Madaxweyne Farmaajo & Kheyre waxay lunsadeen $18 Milyan oo gar-gaar ah
    Somalia

    Washintong Examiner: Madaxweyne Farmaajo & Kheyre waxay lunsadeen $18 Milyan oo gar-gaar ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin uu daabacay Wargeyska Washintong Examiner ayaa lagu sheegay in Warbixinno loo gudbiyay Dowladda Mareykanka  ay muujinayaan Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lunsadeen $ 18 Milyan oo doolar oo ah gargaar loogu deeqay Soomaaliya.

    Warbixinta oo si gaar ah loogu gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Lacagtan oo ay lunsadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Raโ€™iisulwasaare Kheyre, ay bixiyeen Midowga Yurub, Sacuudiga iyo Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay warbixinta Wargeyska Washintong Examiner.

    Lacagtan $ 18 Milyan ah ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Dawladda Soomaaliya, balse aysan u gudbin  xisaabta khasnadda Bangiga Dhexe, iyadoona Warbixinta lagu xusay in aysan aheyn dhaqaalihii ugu horeeyay ee loogu deeqo Soomaaliya, kaas oo la waayo.

    Hay’adda Transparency International ayaa Warbixin ay daabacday ku xustay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka muddo 16 sano ah.

    Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Xog-hayaha Arrimaha Dibedda iyo Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sanet-ka Mareykanka ay qorsheynayaan in Madaxda DFS (Farmaajo & Kheyre) kula xisaabtamaan dhaqaalahan gaaraya $ 18 Milyan.

    Ugu dambeyntii, Warbixinta uu daabacay Wargeyska Washintong Examiner ayaa lagu tilmaamay in Musuqmaasuqa baahsan ee Soomaaliya uu wiiqayo istiraatiijiyadda Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto iyo hay’adaha caalamiga ah ee Mareykanka, taas oo ku aadan lacagaha Mareykanka uu ugu talagalay Dhismaha Dowladda Soomaaliya.

    Xigasho: Washintong Examiner

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.