Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Washintong Examiner: Madaxweyne Farmaajo & Kheyre waxay lunsadeen $18 Milyan oo gar-gaar ah
    Somalia

    Washintong Examiner: Madaxweyne Farmaajo & Kheyre waxay lunsadeen $18 Milyan oo gar-gaar ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin uu daabacay Wargeyska Washintong Examiner ayaa lagu sheegay in Warbixinno loo gudbiyay Dowladda Mareykanka  ay muujinayaan Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lunsadeen $ 18 Milyan oo doolar oo ah gargaar loogu deeqay Soomaaliya.

    Warbixinta oo si gaar ah loogu gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Lacagtan oo ay lunsadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, ay bixiyeen Midowga Yurub, Sacuudiga iyo Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay warbixinta Wargeyska Washintong Examiner.

    Lacagtan $ 18 Milyan ah ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Dawladda Soomaaliya, balse aysan u gudbin  xisaabta khasnadda Bangiga Dhexe, iyadoona Warbixinta lagu xusay in aysan aheyn dhaqaalihii ugu horeeyay ee loogu deeqo Soomaaliya, kaas oo la waayo.

    Hay’adda Transparency International ayaa Warbixin ay daabacday ku xustay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka muddo 16 sano ah.

    Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Xog-hayaha Arrimaha Dibedda iyo Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sanet-ka Mareykanka ay qorsheynayaan in Madaxda DFS (Farmaajo & Kheyre) kula xisaabtamaan dhaqaalahan gaaraya $ 18 Milyan.

    Ugu dambeyntii, Warbixinta uu daabacay Wargeyska Washintong Examiner ayaa lagu tilmaamay in Musuqmaasuqa baahsan ee Soomaaliya uu wiiqayo istiraatiijiyadda Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto iyo hay’adaha caalamiga ah ee Mareykanka, taas oo ku aadan lacagaha Mareykanka uu ugu talagalay Dhismaha Dowladda Soomaaliya.

    Xigasho: Washintong Examiner

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.