Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiir Abgaal oo kulamo ka wada Degmada Badhan+Sawirro
    Puntland

    Wasiir Abgaal oo kulamo ka wada Degmada Badhan+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin Garoonka diyaaradaha, bangiga Dawladda, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Xerada Ciidamada.

    Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee kastamka garoonka diyaaradaha ee degmada Badhan ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyay hab sami usocodka shaqada.

    Wasiirka ayaa sidoo kale booqday bangiga Dawladda laanta badhan iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxana kulan dhanka shaqada ah la qaatay Xisaabiyaha Gobolka iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

    Intii uu socday kormeerkan shaqo madaxda Dawladdu waxa ay booqdeen Xerada laga hirgaliyay degmada badhan.

    Kulan ay wada yeesheen Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee Gobolka Sanaag iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa looga wada hadlay wax yaabaha ugu dabeeya ee Xerada ka dhiman aydoo dhowaan lafilaayo in Ciidamada Daraawiishta lagu tababari doono.

    Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda, Godomiyaha Gobolka, Duqa Degmada badhan iyo Xisaabiyaha Gobolka sanaag ayaa dhagax dhigay dhismaha Bangiga laanta badhan iyo Wasaaradda Maaliyadda.

    Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa booqday hoyga uu degmada ka degan yahay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, isagoona la yeeshay kulan ay uga wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Sanaag.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.