Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiir Beyle “Musuqa Soomaaliya waa aragti ee dhab maha”
    Puntland

    Wasiir Beyle “Musuqa Soomaaliya waa aragti ee dhab maha”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in eedaha musuq maasuqa la xiriira ee ka dhanka ah Soomaaliya ay yihiin kuwo aan xaqiiqda ku fadhiyin.

    C/raxmaan Bayle ayaa sheegay in warbixinnada Hay’adda Transparency International ee Soomaaliya sanad kasta ka gelisa heerka ugu hooseysa ay yihiin aragti ay naga qabaan ee aysan ahayn wax cilmi ku dhisay.

    “Nimankaa wax qiimeeya warqad ayaan u qoray,waxaan ku iri, ardey aadan xiisad siin, sideed u imtixaaneysa?, Maxkamad ayaan geyneynaa walli billahi” ayuu yiri wasiirku.

    Waxaa uu hadalkiisa raaciyay in sanadkasta ay hay’addaas 184 dal heerka ugu xun ee kaalinta 1aad ah ka geliso Soomaaliya taasina aysan ahayn wax loo dul qaadan karo.

    Beyle ayaa ugu baaqay hay’addaas iyo guddiyadeeda arrimahaas qaabilsan in ay yimaadaan dalka islamarkaana qiimeeyaa website-ka wasaaradda, miisaaniyadda dowladda, buugaagta iyo waxyaabaha dalka ka jira ee maamulka maaliyadda kaddibna ka soo saaraan warbixin.

    C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhinaca kale sheegay in barnaamijka deyn cafinta ay cashar ka barteen sanadkasta dakhliga laga dalbado in ay gudaha ka helaan ay dhaafiyaan si loo gaaro deyn cafinta oo uu sheegay in ay hadda gaba gabo mareyso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.