Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiir Beyle oo weerar afka ah ku qaaday Ciidamada ka gadoodsan Mushaar la,aanta (Daawo)
    Puntland

    Wasiir Beyle oo weerar afka ah ku qaaday Ciidamada ka gadoodsan Mushaar la,aanta (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaalle Beyle, ayaa weerar afka ah ku qaaday Ciidamada gadoodsan ee saaka soo baneeyay Furimihii dagaalka ee Degaano kamid ah Gobalka Shabeellaha Dhexe.

    Wasiir Beyle ayaa sheegay inay Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada siiyeen Mushaarkoodii, balse Ciidamada ka cabanaya Mushaar la,aanta ay yihiin kuwo Dhowr jeer qaadan jiray Mushaar, laakiin laga hor istaagay.

    “Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada Mushaar ayay wada qaataan, qof seddex mushaar qaadan jiray marka mid lagu soo koobo xanuunka uu dareemayo weyla garaneysaan, xaaraan dambe oo dad qaadanayaan cidey doontaba ha noqotee waa soo dhamaatay mana dhici doonto” Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaalle Beyle

    Wasiirka Maaliyadda xukuumadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ruux kastaa loo baahan inuu marayo hanaan lagu xaqiijinayo inuu kamid yahay shaqaalaha dowladda.

    Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaalle Beyle, ayaa imaanaya xilli maanta ay Ciidamo Gadoodsan kasoo baxeen Furimaha dagaalka ee Degaano katirsan ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/dalsantv/videos/316406132406513/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.