Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Warfaafinta Fadaraalka oo shaqo ku joojin ku sameeyay agaasimayaal ka tirsan Wasaarada
    Somalia

    Wasiirka Warfaafinta Fadaraalka oo shaqo ku joojin ku sameeyay agaasimayaal ka tirsan Wasaarada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq.

     Eng. Yarisow oo la wareegey xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 02 April 2017, ayaa bilaabay inuu dib u eegis iyo u kuurgelid ku sameeyo dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna uu xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha Wasaarada, waxaana u soo baxday inay jiraan cabashooyin fara badan iyo eedeymo cul-culus oo tilmaamaya inuu jiro maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ay mas’uul ka yihiin Agaasimayaasha shaqada laga fariisiyey.

    Sidaas daraadeed, Wasiirka Warfaafinta waxuu shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta si hay’adaha ay khuseyso ay u sameeyaan baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymahaas cul-culus.

    Dowladda Fadaraalka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa la dagaalanka musuqmaasuqa. Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Uma dulqaadaneyno maamul xumo iyo musuqmaasuq toona, talaabadana waa bilow la doonayo in lagu hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Fariintan waa mid ku socota dhammaan shaqaalaha wasaarada oo cidii lagu helo maamul xumo iyo musuqmaasaq waxaa loo gudbinayaa hay’adaha ay khuseyso. Musuqmaasuq waa waxa dalkan dib u dhigay, mas’uuliyadana waxey na fareysaa inaan ummada u horseedno maamul wanaag oo aan tusaale u noqono, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.”

    Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Agaasimayaasha shaqo ka fariisinta lagu sameeyey ay qabsadaan qareen ka difaaca eedeymaha cul-culus ee musuqmaasuqa ah. Mudada ay baaristu socotana waxey xaq u leeyihiin waxii xaquuq ah ee uu sharcigu qabo.

    DHAMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.