Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Warfaafinta Fadaraalka oo shaqo ku joojin ku sameeyay agaasimayaal ka tirsan Wasaarada
    Somalia

    Wasiirka Warfaafinta Fadaraalka oo shaqo ku joojin ku sameeyay agaasimayaal ka tirsan Wasaarada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq.

     Eng. Yarisow oo la wareegey xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 02 April 2017, ayaa bilaabay inuu dib u eegis iyo u kuurgelid ku sameeyo dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna uu xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha Wasaarada, waxaana u soo baxday inay jiraan cabashooyin fara badan iyo eedeymo cul-culus oo tilmaamaya inuu jiro maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ay mas’uul ka yihiin Agaasimayaasha shaqada laga fariisiyey.

    Sidaas daraadeed, Wasiirka Warfaafinta waxuu shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta si hay’adaha ay khuseyso ay u sameeyaan baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymahaas cul-culus.

    Dowladda Fadaraalka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa la dagaalanka musuqmaasuqa. Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Uma dulqaadaneyno maamul xumo iyo musuqmaasuq toona, talaabadana waa bilow la doonayo in lagu hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Fariintan waa mid ku socota dhammaan shaqaalaha wasaarada oo cidii lagu helo maamul xumo iyo musuqmaasaq waxaa loo gudbinayaa hay’adaha ay khuseyso. Musuqmaasuq waa waxa dalkan dib u dhigay, mas’uuliyadana waxey na fareysaa inaan ummada u horseedno maamul wanaag oo aan tusaale u noqono, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.”

    Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Agaasimayaasha shaqo ka fariisinta lagu sameeyey ay qabsadaan qareen ka difaaca eedeymaha cul-culus ee musuqmaasuqa ah. Mudada ay baaristu socotana waxey xaq u leeyihiin waxii xaquuq ah ee uu sharcigu qabo.

    DHAMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.