Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiiro katirsan Puntland oo ku kulmay Garoowe (Sawirro)
    Somalia

    Wasiiro katirsan Puntland oo ku kulmay Garoowe (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Boosaaso waxa kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha iyo Kaluumaysiga Puntland.

    Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Maaliyadda ,Wasiirka Dekedaha, Wasiirka Kaluumaysiga, Wasiir kuxigeenka Dekedaha qaybo ka mid ah Agaasimayaasha sadexda Wasaaradood, Taliyaha Dekeda Boosaaso iyo Taliyaha guud ee ilaalada Cashuuraha Puntland.

    Kulanka waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi waxana looga hadlaayay wada shaqaynta dhanka dakhliga ee ka dhexeeya sadexdan Wasaaradood.

    Kulan markii uu soo afmeermay Wasiirka Maaliyadda ayaa wax yaabihii looga hadlay uga war bixiyay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda.

    “Kulanka waxa uu ahaa mid muhiim ah waxana uu ahaa wada tashi ku aadan dardar galinta dakhliga dhinaca Kaluumaysiga ,waxana uu ahaa mid lagu saxaayay shaqada Cashuuraha dhinaca xeebaha ee Kaluumaysiga ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

    Mudane Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri

    “Shirkan waxa uu qayb ka ahaa shir ay horay sadexda Wasaaradood ugu yeesheen caasimada Puntland ee Garoowe, waxana laysku afgartay shirkan maanta” ayuu yiri mar kale.

    In agaasimayaasha sadexda Wasaaradood soo diyaariyaan wax yaabaha u baahan in go’aan laga gaaro sadaxda Wasiirna ay yeeshaan kulanka ugu dabeeya.

    In xeebaha la geeyo wakiilada Wasaaradaha si wadir ahna u shaqeeyaan.

    In meesha laga saaro si wadajir jir ah wax yaabaha caqabada ku ah shaqada

    Kulankan ay wada yeesheen madaxda sadexda Wasaaradood ayaa ku soo dhamaaday guul ku aadan dhanka hor u socodka dakhliga dalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.