Mid ka mid ah xagjiriintii Gobolka ee Wadaada afduubka uhaysta Iran ee ay usamaysteen la dagaallanka Israa’iil oo ka hor yimid.
Xamaas,ayaa si cad ula safatay Wadamada Khaliijka ee Wadaadu ay garaacista joogtada ah ku hayaan.
“The organisation that Iran armed, funded, trained, and deployed as the southern blade of the Axis of Resistance has issued a public statement calling on “our brothers in Iran not to target neighboring countries” and urging “all countries in the region to cooperate to stop this aggression and preserve the bonds of brotherhood.” Al Jazeera Arabic and Palestinian media confirmed the statement. Hamas has not denied it. No Axis member has contradicted it”.
Warka kasoo baxay Xamaas ee sida tooska ah Wadaada xagjiriinta ah uga dalbanaya in ay weerarada uga joojiyaan Wadamada Khaliijka,waxaa lagu macnayn karaa ( Hooyo ubadkeedii toosinayaan),taasoo hoosta ka xariiqaysa Sadex arimood…..
1.Sida Wadaada Iran afduubka uhaystaa ujabeen oo xaalku uga marayo isbadbaadin aan waxba la xeerinayn.
2.Jabka Wadaada oo ay muujinayaan kuwii ay samaysteen.
3. Sida uu ufashilmay oo loo burburiyay qorshihii guud ee Gobolka ee Wadaada Iran afduubka uhaysta.
Xamaas,waa Urur Wadaada xagjiriinta ah hoos yimaada oo toos ugu xirnaa Guutada Qudus ee uqaabilsan Wadaada taageerada kooxaha Gobolka ee Gacmaheeda ah,waxayna ku bixiyeen ilaa 2007-dii Lacag gaaraysa $100-$350 Milyan Sanad walba,wayna hubayn jireen oo tababari jireen.
Xamaas,waxay kaloo ku tiirsan tahay Wadamada Khaliijka oo ay ku leedahay Xaafiisyo,deegaan Madaxdu udegan tahay iyo Akoono Bangiyo,waxaana muuqata in ay haatan dhanka Khaliijiyiinta uliicday oo Wadaada iskaga hartay,halkii ay dagaalka la geli lahayd,taasoo ah calaamad xaqiijinaysa in Wadaada cimrigoodu gabogabo yahay.
Qatar iyo Masar in ay Xamaas ku khasbeen soo saarista Warkan,ayaa xoguhu sheegayaan oo ay ugu hanjabeen in aysan kala sii shaqaynayn wadaxaajoodka Qasa ee Israa’iil.
