Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xasan Shire Abgaal oo la Wareegay Wasaaradda Maaliyadda Puntland (Daawo)
    Puntland

    Xasan Shire Abgaal oo la Wareegay Wasaaradda Maaliyadda Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 17, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Xilkii Wasaaradda kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane C/laahi Siciid Carshe.

    Xaflada Xilwareejinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Waxaana ka soo qayb galay Wasiiru Dowlaaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xisaabiyaha guud ee DPL, Hantidhowraha guud, Xeer ilaaliyaha guud, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Agaasime waaxeedyada Wasaardda Maaliyadda , Madaxda Mashaariicda iyo Lataliyayaasha Wasaaradda Maaliyadda.

    Agaasimaha.Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn Munaasabada xilwarejinta ka hadlay waxaana uu ku dheeraaday habka shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda.

    “Mudane Wasiir iyo masuuliyiinta kale Anoo ku hadlaaya magaca shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaadda waan idiin soodhowaynaynaa 
    waxaan sidookale saakootiyaynaa madaxdii aanu soowada shaqaynay”

    Agaasimaha guud mar uu ka hadlaayay Arimaha dakhliga waxa uu yiri

    “Mudanyaal Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Dakhliga soogala iyo baahida Dawladnimo waa mid kalawayn waxana loo bahanyayay Beekhaamin kharash maadama dakhligu yaryahay”

    Agaasimaha Guud mar uu ka hadlaayay Gobolada ay Wasaaradda Maaliyaddu ka hawlgasho waxa uu yiri”

    “Wasaaradda Maaliyaddu waxay ka shaqeysaa 9-ka gobol ee Puntland waxayna ku shaqeeyaan nidaamka xog keydiyaha Habka Maareynta Xogta Maaliyadda ee looyaqaan (Puntland Financial Management information system).

    intii Xafladaasi socotay waxaa ka hadlay Wasiirudowlaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland,Wasiirudowlihiihore iyo hantidhowrha Dawladda

    Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdullahi Saciid Carshe ayaa sheegay in ay soodhowaynayaan madaxda Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland waxaana uu ku dheeraaday mudadii uu Wasaaradda soo hogaaminaayay iyo waxqabadkii ay soo qabteen.

    “Waxaa sharaf ii ah in aan Maanta xilka ku wareejiyo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi, Wasaaradda Maaliyadda halkii sano iyo todobadii bilood ee aan jogay waxay soo martay marxalado kala duwan oo isugu jira kuwo ka qayb qaadasho dhismaha dalka, Dagaalo dalku galay, duruufo dhaqaale xumo oo ay keentay baahida Dowladd nimo oo maalin walba kordheysay iyo dakhliga Dowladda oo aan isku dheelitirneyn, taageero dibadeed oo aan jirin haba yaraatee, marka laga reebo mashaariicda Bankiga aduunku ugu deeqay DPL iyo Mashruuca DPL wado ee JPLG-ga,”

    Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire oo soo afmeeray Xafladaasi ayaa Sheegay in ay utaalo shaqo xoogan oo ku aadan sooxeraynta dakhali iyo kor uqaadis shaqo.
    “hadii aan dalka dhan Dahab ka dhigno oo aan bixinwayno muhashaharka shaqaalaha iyo Ciidamada waxba lama qaban hadaba markii musharka Ciidamada iyo shaqaalaha labixiyo ayaa horumar loogudbi karaa”

    Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa fariin udiray Ganacsatada iyo shacabka

    “shirkadaha waawayn ee ganacsi waxaan leenahay iyo Shacabka ay cashuurtu ku waajibtay bixiya Cashuurta si aynu hurumar ku gaarno”

    ugu dambayn Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa umahad celiyay Madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda waxana uu booqday Xafiisyada Wasaaradda iyo shaqaalaha ka hawlgala.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/WarbaahintaDawladaPuntland/videos/427646297778582/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.