Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xeerbeegti go’aamisay in Dacwad lagu soo oogi karo Trump
    Somalia

    Xeerbeegti go’aamisay in Dacwad lagu soo oogi karo Trump

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 31, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xeer-beegti Maraykan ah oo ku sugan gobolka New York ayaa u codeeyey in dacwad lagu soo oogo madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, iyada oo loo haysto eedo la xidhiidha, inuu lacago siiyay gabadh lagu magcaabo Stormy Daniels, intii lagu guda-jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada ee sannadkii 2016, sida ay ku warameen warbaahin kala duwan oo Maraykan ahi.

    Go’aanka xeerbeegtida oo aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxweynaha hore ee Trump uu doonayo inuu markale u tartamo Aqalka Cad, ka dib markii uu guuldaraystay doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020.

    Tallaabadan ayaa noqonaysa, markii ugu horraysay ee dacwad lagu soo oogo madaxweyne hore ama xataa musharax madaxweyne.

    Illaa hadda ma cadda dembiyada lagu soo oogay Trump, maadaama uu weli xidhan galka ay ku jiraan dacwaddiisu oo aan la furin.

    Hase ahaatee eedaha loo haysto ayaa ka soo baxay, baadhitaankii xeer ilaaliyaha degmada Manhattan ee ku saabsanayd bixinta lacag gaadhaysay $130,000 oo uu qareenkii Trump ee wakhtigaasi oo ahaa Michael Cohen uu siiyey Stormy Daniels, si uu u aamusiiyo oo aanay uga hadlin, xidhiidhkii hoose ee dhexmaray iyada iyo Trump.

    Cohen ayaa sheegay inuu lacagtaas u bixiyey si sir ah, isla markaana uu raacayey amarka Trump, isla markaana ay mardambe Shirkadda Trump dib u siisay lacagta iyaga oo ku magcaabay “adeegyo Sharci”.

    Inkasta oo aanay sharci-darro ahayn lacag bixintaasi, haddana dacwad oogayaasha federaaliga ah ayaa waxay dembi u arkaan habka lacag bixinta oo ahayd mid jebinaysa sharciyada maaliyadda ololaha ee federaalka.

    Garyaqaankii hore ee Trump ee Cohen ayaa sannadkii 2018 wuxuu qirtay dembiyo badan oo lagu soo oogay oo ay ku jiraan, ku xadgudubka dhaqaalaha ololaha, ka dibna wuxuu xabsiga ku soo qaatay in ka badan hal sano.

    Marka loo eego sharciyada gobolka New York, been abuurka diiwaannada ganacsigu caadi ahaan waa khalad, hase ahaatee marka loo sameeyo iyada oo la doonayo in la qariyo ama lagu kaco dembi kale, waxay noqotaa dembi lagu mudan karo ciqaab gaadhaysa illaa afar sano oo xadhig ah.

    Afhayeen u hadlay xafiiska xeer ilaalinta ee degmada oo wax laga weydiiyey arrintan ayaan isagu ka gaabsaday.

    Cohen, oo isagu ka hor markhaati furay xeerbeegtida baadhaysa kiiska lacag-bixinta, ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey dacwadda Trump.

    Trump ayaa isagu sheegay inaanu wax khalad ah samaynin, marka laga hadlayo dacwaddan loo haysto. War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu eedaha lagu soo oogay ku macneeyey inay yihiin “cadaadis siyaasadeed iyo faragelin doorasho oo ah heerkii ugu sarreeyey ee taariikhda soo marta”.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    July 3, 2025

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    July 2, 2025

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    July 1, 2025
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    TikTok oo ay ubadan tahay in ay iibsadaan Ganacsato Maraykan ah

    Qatar oo bahdishay Madaxweynaha Somaliland

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.