Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Ethiopia oo cirka isku shareertay (Akhriso)
    Somalia

    Xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Ethiopia oo cirka isku shareertay (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Masar Abdulfatah Al sisi ayaa si adag u sheegay in Dowladiisu ay difaacanayso Xuquuqdeeda Biyaha wabiga Nile-ka, islamrkaasina ay qaadayaan talaabooyin Qaanuuni ah.

    Afhayeenka Madaxtooyada Masar Baasim Riyaadh ayaa sheegay in Daruuri tahay in beesha caalamka ay soo faragaliso Xiisadda ka alowsan Biyo xireenka Wabiga Nile-ka.

    Hadalka Madaxweyne Al sisi ayaa yimid ka dib marka uu Guuldaro ku soo dhamaaday Shirka Wasiirada Kheyraadka Biyaha ee dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiooia ee ka socday Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

    Xukuumadda Adis ababa ayaa diiday in ay ogolaato Talo soo jeedin ka timid Masar oo ah in Saamiga ay ka hesho Biyaha wabiga Nile-ka aan wax laga bedelin.

    Dowladda Maraykanka ayaa sedexda dowladood ee Masar, Suudaan iyo Ethiopia in ay ku heshiiyaan Saamiga ay kala helayaan Biyaha Wabiga Niilka si dalalkaasi ay u gaaraan nolol baraare leh.

    Bishi March sanadii 2015 ayay dowladaha Suudaan, Masar iyo Ethiooa kala saxiixdeen heshiish is afgarad ah oo lagu xalinayo Muranka ka dhashay Biyo xireenka wayn oo ay dhisanaysao dowlada Ethiopia.
    ا
    Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka ay ka soo burqadaan Wabiga Niilka halka Dalalka Suudaan iyo Masar ay yihiin dalalka hela qulqulka biyaha wabiga niilka.

    Nolosha In ku dhow Boqol Malyuun oo qof oo Masaari ah ayaa ku tiirsan Biyaha wabiga Niilka, mana laha Dalka Masar biyo kale oo ay cabayaan dadkiisa ama ay u Adeegsanayso waraabka beeraha ku teedsan wabiga Niilka.

    Dowladda Ethiopia ayaa dhismaha Biyo xireenkeeda Bilowday sanadii 2011 kaasoo hada soo idlaaday intiisa badan, waxa ay na doonaysaa in ay ka dhaliso Koronto si ay uga Faaideysteen dadkeeda iyo dalalka Afrika.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.