Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Ethiopia oo cirka isku shareertay (Akhriso)
    Somalia

    Xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Ethiopia oo cirka isku shareertay (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Masar Abdulfatah Al sisi ayaa si adag u sheegay in Dowladiisu ay difaacanayso Xuquuqdeeda Biyaha wabiga Nile-ka, islamrkaasina ay qaadayaan talaabooyin Qaanuuni ah.

    Afhayeenka Madaxtooyada Masar Baasim Riyaadh ayaa sheegay in Daruuri tahay in beesha caalamka ay soo faragaliso Xiisadda ka alowsan Biyo xireenka Wabiga Nile-ka.

    Hadalka Madaxweyne Al sisi ayaa yimid ka dib marka uu Guuldaro ku soo dhamaaday Shirka Wasiirada Kheyraadka Biyaha ee dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiooia ee ka socday Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

    Xukuumadda Adis ababa ayaa diiday in ay ogolaato Talo soo jeedin ka timid Masar oo ah in Saamiga ay ka hesho Biyaha wabiga Nile-ka aan wax laga bedelin.

    Dowladda Maraykanka ayaa sedexda dowladood ee Masar, Suudaan iyo Ethiopia in ay ku heshiiyaan Saamiga ay kala helayaan Biyaha Wabiga Niilka si dalalkaasi ay u gaaraan nolol baraare leh.

    Bishi March sanadii 2015 ayay dowladaha Suudaan, Masar iyo Ethiooa kala saxiixdeen heshiish is afgarad ah oo lagu xalinayo Muranka ka dhashay Biyo xireenka wayn oo ay dhisanaysao dowlada Ethiopia.
    ا
    Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka ay ka soo burqadaan Wabiga Niilka halka Dalalka Suudaan iyo Masar ay yihiin dalalka hela qulqulka biyaha wabiga niilka.

    Nolosha In ku dhow Boqol Malyuun oo qof oo Masaari ah ayaa ku tiirsan Biyaha wabiga Niilka, mana laha Dalka Masar biyo kale oo ay cabayaan dadkiisa ama ay u Adeegsanayso waraabka beeraha ku teedsan wabiga Niilka.

    Dowladda Ethiopia ayaa dhismaha Biyo xireenkeeda Bilowday sanadii 2011 kaasoo hada soo idlaaday intiisa badan, waxa ay na doonaysaa in ay ka dhaliso Koronto si ay uga Faaideysteen dadkeeda iyo dalalka Afrika.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.