Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaan Cali Dhahar oo Aas Qaran loogu sameeyay Badhan (VIDEO)
    Somalia

    Xildhibaan Cali Dhahar oo Aas Qaran loogu sameeyay Badhan (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 7, 2021Updated:March 7, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiilladda, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey AUN Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilladda oo shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Badhan iyo Ceel-daahir.

    Guddoomiyaha ayaa salaatul Jinnaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuumka oo ahaa Mudane dalka & dadka usoo shaqeeyey, muddo dheerna ka mid ahaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL, haddana ahaa Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqank Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

    https://www.facebook.com/watch/?v=187498162815484

    “Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar, Alle naxariistii Janno ha siiyo innagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa Golaha Wakiillada, eheladiisa iyo guud ahaan bulshada Puntland ” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.