Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ahaa xubnaha ugu da’da weyn Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa goor-dhoweyd ku geeriyooday Muqdisho.
Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay geerida Xildibaanka.
Marxuumka ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004-tii.
Sidoo kale, waxaa uu soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
