Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xildhibaan Xuseen Carab “Annagu Xamar umaana soo doonan Shaqo ee reer Somaliland baan matalnaa” (Daawo)
    Puntland

    Xildhibaan Xuseen Carab “Annagu Xamar umaana soo doonan Shaqo ee reer Somaliland baan matalnaa” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in meel xun uu marayo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland kadib markii ay ka gaabisay Dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

    Xildhibaan Xuseen Carab oo ka hadlay Kulanka Golaha Shacabka ee ka socda Xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho, ayaa ku hanjabay in ay dib ugu laaban doonaan Gobalada ay matalaan ee Waqooyi (Soomaaliland).

    “Meel Xun ayuu marayaa wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland waxaana loo baahan yahay in xalkeeda la helo ama annaga waxaan ku laaban doonaa Soomaaliland” ayuu ka hor sheegay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xildhibaanada Soomaaliland ku matala Soomaaliya aysan halkaan u soo doonin shaqo balse ay u yimaadeen midaynta labada Gobal hadii aysan wax dadaal ah ka socon dhanka Koonfurtana ay dib ugu laabanayaan Hargeysa iyo dhulka Soomaalialnd.

    “halkaan uma imaanin shaqo, waxaan u nimid in la isu keeno labada Gobal hadii uusan jirin dadaalkaasna dib ayaa ugu laaban doonaa degaanadii aan ka nimid” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/276004969980410/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.