Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xildhibaannada Aqalka Sare oo ansixiyey Sharci muhiim ah+VIDEO
    Puntland

    Xildhibaannada Aqalka Sare oo ansixiyey Sharci muhiim ah+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 24, 2019Updated:October 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya  ayaa Maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 3aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa:
    1. Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

    Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

    Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha horyimid si looga weeydiiyo su’aalaha ay qabaan xibnaha Senatarada Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

    Kulanka 3aad waxaa soo xaadiray 31 Senatar,Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay ansixinta Xubinta Cusub oo kamid noqaneeysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka .Waxaa codeeyay 31, senatar,
    Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.

    Sidoo kale Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka,waxaana u codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.

    Ugu danbeeyn Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaqay in Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka uu ansax yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.