Waxaa la diyaariyay qorshihii Labaad ee xigay markuu fashilmay Shirkii wada xaajoodka doorashada.
Qorshaha Labaad,waa in la dhiso Dowlad,waana diyaar oo Caawa,ayaa lasoo bandhigay siday ii xaqiijiyeen masuuliyiin goobjoog ahaa.
Qorshahaas fulintiisa,waxaa la bilaabayaa Todobaad kadib marka BC soo warceliso.
Tagidii Axmed Madoobe,waxay ahayd cadaadis hordhaca oo loo baahnaa,wuxuuna la laabtay isagoo Madaxweyne sharciyad haysta,isla markaana ka ariminaya DG-yada kale doorashadooda.,ayuu tagay.
Sidoo kale,waxaa guul weyn ah in lasoo gaarsiiyay cadaadiska halkii loo baahnaa oo BC kasoo geli kartay,iyaga,ayaana hada wixii ka danbeeya ukala damqaadi doona Somalida.
Waxaa kaloo,isaguna muhiim ahaa kulankii Caawa lala qaatay Baarlamaanka xorta.
Mw Deni iyo weftigiisu,waa sii joogayaan oo joogistoodu,waxay door weyn ka qaadanaysaa cadaadiska Xasan lagu hayo,waayo,waa Geed fadhi mucaarad Mw Deni oo loolankii usoo wareejiyay Xamar kana sameeyay Madaxtooyo mucaaradku ka duulaan.
