Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Olalaha Aqoonsiga Somaliland oo maraya meel sare
    Somalia

    XOG: Olalaha Aqoonsiga Somaliland oo maraya meel sare

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2025Updated:May 17, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tan iyo markii ay dhacday doorashada Madaxtooyada ee maamulka Somaliland, uuna kusoo baxay Cabdiraxmaan Cirro – waxaa kor u kacay olalaha aqoonsi raadinta is Somaliland, taas oo ay hor boodayaan dowladdo, Hay’adda iyo xubno saameyn weyn ku leh siyaasadda Mareykanka.

    Dowladda Ingariiska ayaa ah maalgeliyaha ugu weyn ee gooni-goosadka maamulka Somaliland, iyadoo marar badan abuurtay kooxo qaata dhaqaale oo qaada mab’da aqoonsi u raadinta Somaliland. Dhaqaalaha baxa ayaa waxaa bixiya Dowladda Imaaraatka Carabta.

    Akhriso shaqsiyaadka horboodaya Qorshaha aqoonsiga maamulka Somaliland.

    1. Timor Nagy, oo ahaa xoghaye ku xigeenka arrimaha dibeda ee Maraykanka mudo xileedkii hore ee Donald Trump, haddana waxaa lagu soo celiyey Wasaaradda arrimaha dibeda.

    2. Janday Frazer, oo shaqadaas oo kale haysay wakhtigii MW Cabdullaahi Yuusuf .

    3. Peter J. Pham, oo ka mid ahaa kooxdii hore ee Donald Trump u qaabilsanaa Wadamada Great Lakes oo ah Todoba Waddan oo Bariga & Bartamaha Afrika, haddana ka mid ah lataliyayaasha Donald Trump.

    4. Scott Perry, oo ah Nin Congressman ah oo ka soo gala Gobolka Pennsylvania,waa Republican u dhow Donald Trump,waana Ninka Congresska horgeeyey waxa loo yaqaan (House resolution) oo uu ku leeyahay waa in la aqoonsadaa Somaliland.

    5. John Molenar, oo isna ah Congressman ka soo gala Gobolka Michigan oo qaabilsanna arrimaha Shiinaha oo ku andacoonaya Shiinaha,ayaa soo galaya wuxuuna si dhow ula shaqeeyaa Taiwan.

    Machadyada ka Shaqaynaya:

    Kevin Roberts, oo ah Madaxweynaha machadka The Heritage Foundation – ahna maskaxdii ka danbaysay mashruuca (Project 2025) oo ah fikradda hadda hagaysa Donald Trump ayaa kamid ah dadka ka shaqeynaya barnaamijka aqoonsi doonka Somaliland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Warbixin: Sidee Turkigu u dhacay Shidaalka Soomaaliya?

    April 23, 2025

    Puntland – miyay qabatay Doon sidda Qoysaskii Daacish?

    April 22, 2025

    Mooshin ka dhan ah Aadan Madoobe oo ka socda Muqdisho

    April 22, 2025
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.