Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Siciid Den iyo Cirro oo ku kulmaya Nairobi
    Puntland

    XOG: Siciid Den iyo Cirro oo ku kulmaya Nairobi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 29, 2025Updated:May 29, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa soo gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kaddib maalmo uu ku sugnaa magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

    Siciid Deni ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Nairobi, waxaana uu kulamo siyaasadeed la yeelan doonaa xubno muhiim ah oo kamid ah hoggaanka siyaasadda Soomaalida, dublamaasiyiin sare oo ka socda dalal kala duwan iyo Hay’addo caalami ah.

    Idilnews, ayaa xaqiijisay in xubnaha uu la kulmi doono Siciid Deni uu kamid yahay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo maalmahan ku sugnaa Nairobi, iyagoo ka wadahadli doona marxalada siyaasadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka Somaliland iyo Puntland.

    Garoowe iyo Hargeysa ayaa dhowaan is dhaafsaday maxaabiis dagaal oo ay ku kala qabsadeen dagaalkii Laascaanood, kaddib wada-hadalo khadka Telefoonka ah oo dhexmaray Deni iyo Cirro.

    Kulanka Nairobi ayaa la filayaa in uu xoojiyo ilaalinta danaha siyaasadeed iyo kan amni ee ka dhexeeya labada Dowladood.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    January 6, 2026

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    January 6, 2026

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    January 5, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    Todobaadkii Labaad oo Banaanbaxyo waa weyn ka socdaan Iran

    Gudiga farsamada Golaha Mustaqbalka Somaliyed oo kulan uga furmay Garowe

    Maxay kawada hadleen Xasan Shiikh iyo Sh.Shariif?

    Faallo:-Qabashada Moduro iyo saamaynta caalamka?

    Faallo:-Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Ee Yemen?

    Xog:-Shidaal baarista Turkigu ka wado Somaliya?

    Maraykanka oo weeraray gudaha caasimada Venezuela

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.