Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Siciid Den iyo Cirro oo ku kulmaya Nairobi
    Puntland

    XOG: Siciid Den iyo Cirro oo ku kulmaya Nairobi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 29, 2025Updated:May 29, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa soo gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kaddib maalmo uu ku sugnaa magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

    Siciid Deni ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Nairobi, waxaana uu kulamo siyaasadeed la yeelan doonaa xubno muhiim ah oo kamid ah hoggaanka siyaasadda Soomaalida, dublamaasiyiin sare oo ka socda dalal kala duwan iyo Hay’addo caalami ah.

    Idilnews, ayaa xaqiijisay in xubnaha uu la kulmi doono Siciid Deni uu kamid yahay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo maalmahan ku sugnaa Nairobi, iyagoo ka wadahadli doona marxalada siyaasadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka Somaliland iyo Puntland.

    Garoowe iyo Hargeysa ayaa dhowaan is dhaafsaday maxaabiis dagaal oo ay ku kala qabsadeen dagaalkii Laascaanood, kaddib wada-hadalo khadka Telefoonka ah oo dhexmaray Deni iyo Cirro.

    Kulanka Nairobi ayaa la filayaa in uu xoojiyo ilaalinta danaha siyaasadeed iyo kan amni ee ka dhexeeya labada Dowladood.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    July 28, 2026

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    July 27, 2026
    Latest Posts

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Akhriso: Puntland oo baaq kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

    XOG: Saraakiisha gobolka Mudug oo la kulmay Maxamuud Diyaano, wargelina siiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.