Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG-WARAN: Madaxweyne Farmaajo oo ku fashilmay qorshihiisii Doorashada 2020-ka ?
    Somalia

    XOG-WARAN: Madaxweyne Farmaajo oo ku fashilmay qorshihiisii Doorashada 2020-ka ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Loolan ku aadan Doorashada 2020-ka ayaa ka dhex bilowday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

    Loolanka Labada Masuul ayaa salka ku haya nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020-ka, iyadoona uuna haatan soo ifbaxay khilaaf cusub oo ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jiray muddooyinkii ugu dambeeyay in Doorashada 2020-ka ay noqoto Hanaan loo ekeysiiyay Qof iyo Cod, kana dhacda Magaalada Muqdisho, taas uu ka biyo diiday Ra’iisulwasaare Kheyre.

    Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaruhu uu doonayo in Dalka lagu celiyo Doorasho lamid tii dhacday 2017-kii ee dadbaneyd, ayna codeeyaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ku yimaada Nidaamka 4.5.

    Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in loolanka Madaxda Dowladda Federaalka uu gudaha u galay Shaqada Guddiga KMG Ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka BFS, kaas oo Baarlamaanku u xil saaray inay kasoo tala-bixiyaan nooca Doorasho ee Dalka ka dhici karta 2020-ka.

    Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Idil News, inay u muuqato in Madaxweyne Farmaajo looga adkaaday qorshihiisii ku aadanaa in Doorashadu noqoto mid loo ekeysiiyay Hanaanka qof iyo cod ayna Muqdisho ku codeeyaan dad kooban oo laga kala keeno Gobalada Dalka, kuwaas oo ah Kooxda loogu yeero “XOOGAGA WADDANIYIINTA” kuwaas oo ay aas-aastay Villa Soomaaliya.

    Guddiga KMG Ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu wadaa in Todobaadyada fooda naga soo haya ay Baarlamaanka hor-geeyaan in warbixintooda ku a aadan Tallooyinka ay kasoo aruuriyeen Degaanada Dowlad Gobaleedyada Dalka, waxaana xogo hoose sheegayaan in Guddiga oo ku shirayay dhowaanahan Dalka Jabuuti, ay Golaha u gudbin doonaan in Dalka lagu celiyo Doorashooyinkii Hore ee Baarlamaanka oo ku imaada Nidaamka 4.5.

    Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan wajahaya waji gabax uu kala kulmay Xubin katirsan Hay’adda NISA oo lagu qariyay shir ay Jabuuti ku lahaayeen Guddiga KMG Ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo Shirkii Guddiga laga saaray.  

    Dood badan ayaa ka taagan nooca ay noqoneyso Doorashada Dalka ee 2020-ka, xilli hal sanno oo kaliya ay u hartay Muddo xileedka Dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa in bilaha soo socda ay dalka hareeyaan Xiisado ku aadan Doorashadan iyo Hanaanka loo galayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.