Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG-WARAN: Madaxweyne Farmaajo oo ku fashilmay qorshihiisii Doorashada 2020-ka ?
    Somalia

    XOG-WARAN: Madaxweyne Farmaajo oo ku fashilmay qorshihiisii Doorashada 2020-ka ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Loolan ku aadan Doorashada 2020-ka ayaa ka dhex bilowday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

    Loolanka Labada Masuul ayaa salka ku haya nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020-ka, iyadoona uuna haatan soo ifbaxay khilaaf cusub oo ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jiray muddooyinkii ugu dambeeyay in Doorashada 2020-ka ay noqoto Hanaan loo ekeysiiyay Qof iyo Cod, kana dhacda Magaalada Muqdisho, taas uu ka biyo diiday Ra’iisulwasaare Kheyre.

    Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaruhu uu doonayo in Dalka lagu celiyo Doorasho lamid tii dhacday 2017-kii ee dadbaneyd, ayna codeeyaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ku yimaada Nidaamka 4.5.

    Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in loolanka Madaxda Dowladda Federaalka uu gudaha u galay Shaqada Guddiga KMG Ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka BFS, kaas oo Baarlamaanku u xil saaray inay kasoo tala-bixiyaan nooca Doorasho ee Dalka ka dhici karta 2020-ka.

    Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Idil News, inay u muuqato in Madaxweyne Farmaajo looga adkaaday qorshihiisii ku aadanaa in Doorashadu noqoto mid loo ekeysiiyay Hanaanka qof iyo cod ayna Muqdisho ku codeeyaan dad kooban oo laga kala keeno Gobalada Dalka, kuwaas oo ah Kooxda loogu yeero “XOOGAGA WADDANIYIINTA” kuwaas oo ay aas-aastay Villa Soomaaliya.

    Guddiga KMG Ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu wadaa in Todobaadyada fooda naga soo haya ay Baarlamaanka hor-geeyaan in warbixintooda ku a aadan Tallooyinka ay kasoo aruuriyeen Degaanada Dowlad Gobaleedyada Dalka, waxaana xogo hoose sheegayaan in Guddiga oo ku shirayay dhowaanahan Dalka Jabuuti, ay Golaha u gudbin doonaan in Dalka lagu celiyo Doorashooyinkii Hore ee Baarlamaanka oo ku imaada Nidaamka 4.5.

    Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan wajahaya waji gabax uu kala kulmay Xubin katirsan Hay’adda NISA oo lagu qariyay shir ay Jabuuti ku lahaayeen Guddiga KMG Ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo Shirkii Guddiga laga saaray.  

    Dood badan ayaa ka taagan nooca ay noqoneyso Doorashada Dalka ee 2020-ka, xilli hal sanno oo kaliya ay u hartay Muddo xileedka Dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa in bilaha soo socda ay dalka hareeyaan Xiisado ku aadan Doorashadan iyo Hanaanka loo galayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.