Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG-WARAN: Maxaad kala socota dadaalada Puntland ee Hormarinta Amniga ?
    Somalia

    XOG-WARAN: Maxaad kala socota dadaalada Puntland ee Hormarinta Amniga ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 29, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Puntland dhamaan arimaha amni xumada sababa ee lala dagaalamo way leedahay.

    Waxaa ka hawlgala kooxaha danbiilayaasha ah ee caalamku lawada diriro…

    1.Argagixisada
    2.Tahriibta
    3.Ganacsiga Hubka
    4.Isku dhacyada Beelaha
    5.Xanuunada faafa
    6.Kufsiga iyo tacadiyada Haweenka.

    Arimahan waxaa Puntland usoo jiiday meesha ay ku taalo,deganaanshaha,ganacsigeeda xoogan iyo nolosha Deegaamadeeda ka jirta.

    Puntland waxay udhaxaysaa oo isku xirtaa Waqooyiga iyo Koonfurta Somaliya + Itoobiya.

    Dhanka Badda waxay kulmisaa laba Badood oo istiraatiijiya oo ay sanadkii isticmaalasn in ka badan 30-kun oo Markab.

    Puntland waxay Xuduud Badeed la leedahay Dhulweynaha Carabta ee xasaasiga ah.

    1.Dadka Puntland waa 3.9-Milyan

    2.Dhulku waa labo boqol oo kun Km oo isku wareega.

    3.Xeebta dhererkeedu waa 1630-Km.

    4.Sadex garoon diyaaradeed iyo Laba Dekadood ayay leedahay.

    Hadaba Dhulkaas muhiimadaas leh,isla markaana khatarta ugu jira wax walba oo amni dari sababi kara malahan Hay’ad sirdoon.

    Hay’ada sirdoonka Puntland dhaqaalaha ugu jira Miisaaniyada waa 45000$,balse waxay heshaa bishii 35000$.

    Shaqaalaheedu kama badna ilaa 120-xubnood mana laha Qalab,Gaadiid iyo Hub ay ku hawlgasho.

    Pisa waxaa lagu tilmaami karaa hay’ad magac uyaal ah.

    Xiligii aas-aaskii Puntland Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf si fiican uyuu hawlgaliyay.

    Faroole dib,ayuu boorka uga jafay oo istaajiyay una bixiyay magaca PIA.

    Dowladii Gaas ayay afka ciida gashatay oo bajadkeedu gaaray 15000$ bishii,lacago maalgalina oo loo helayna uu lunsaday Agaasimihii xiligaas Khaatumo,waxaana laga badalay markale magacii hore loona bixiyay PISA.

    Madaxweyne Deni oo aan fikradba ka haysan hay’adan iyo siday ushaqayso ugu yaraan dareen gaar ah,ayuu siiyay oo waxuu ku dadaalay in uu dhaqaalaha ukordhiyo oo gaarsiiyo 3-jibaar miisaaniyadeeda nidaamkeedana saxo,balse wax weyn isma badalin.

    Haatan iyo dan!!

    Dowladnimada Udubada ugu muhiimsan waa sirdoon iyo Saxaafad.

    Nidaam aan lahayn Saxaafad iyo Sirdoon dhisana masii jiri karo.

    Puntland waa in ay heshaa hay’ad Sirdoon oo leh awood dhan walba ah loona huray dhaqaale.

    Somaliland oo ka mid ah Quwadaha loolanka adag kula jirta Puntland waxay ku bixisaa bishii Sirdoonkeeda lacag dhan ($600.000).

    Sirdoonku waa ka macno badan yahay inta reer Puntland ka fahansan yihiin!!

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.