Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG-WARAN: Qatar oo baneysay garabka Farmaajo, Siyaasi cusub oo la xulufo noqda
    Somalia

    XOG-WARAN: Qatar oo baneysay garabka Farmaajo, Siyaasi cusub oo la xulufo noqda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 3, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilo xog ogaal ah ayaa nala wadaagay in Xubnaha ka socday midowga musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh Maxamud, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ay kulan gaar ah la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani .

    Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha siyaasada, gaar ahaan doorashooyinka iyo taageerada Dowlada Qatar la garab taagneed Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yasin.

    Musharaxiinta ayaa u sheegay dadaaladii Dowladda Qatar ka geysatay xilliyadii ay shacabka Soomaaliyeed iska caabinta kula jireen Dowladda Ethiopia iyo taageeradii ay siisay Midowgii maxaakiimta, sidoo kale, Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyey dawlada Qatar in afartii sano ee la soo dhaafay taageero indho la’aan ah la garab taagnayd Farmaajo iyo Fahad oo ay u sheegeen inay dhibaateeyeen Shacabka Soomaaliyeed, dhaawacna xoog lehna u gaystay geedi socodkii dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya.

    Waxaa kaloo lagu eedeeyey in Qatar iyo Turki qalabkii iyo hubkii ay ugu deeqeen ciidanka Soomaaliya uu Farmaajo u adeegsaday cabburinta shacabka iyo weerarka mucaaradka gaar ahaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, iyo dadweyne banaanbaxayey oo hogaaminayeen siyaasiyiinta Mucaaradka, gaar ahaan weerarkii guriga C/raxmaan C/shakuur 17 December oo uu si gaar ah C/raxmaan u sheegtay in weerarkaas ku tuhmayay in Qatar ay qeyb ka aheyd

    Sidaa si la mid ahna ay Dhaqaalihii Dowladda Qatar ku taageereen Farmaajo iyo Fahad loo adeegsaday burburinta dawlad Goboleedyada, laaluushka baarlamaanka iyo iibsashada saraakiisha sarsare ee ciidanka iyo qandaraas shirkado loobiga Maraykanka lagu siiyey in ay hagaajiyaan xiriirka Farmaajo maamulkii hore ee Trump.

    Waxaa loo soo jeediyey in ay shacabka Soomaaliyeed uga cudurdaartaan gaboodfalkaas, qaataana tallaab muuqata oo muujinaysa in ay ka xun yihiin taageeradii Farmaajo.

    Ergeyga ka socda dowlada Qatar ayaa ka dalbaday sida uu xalku ula muuqdo Midowga Musharaxiinta oo loo soo celin karo kalsoonida siyaasiyiinta dhexdooda, waxay Midowga Musharaxiinta si cad ugu sheegeen ergeyga in xalka iyo kalsoonida uu ku soo laaban karto oo kali ah in Farmaajo kursiga baneeyo, isagana soo baxo Vilada ama uu wareejiyo amniga guud ee dalka, farahana kala baxo Doorashooyinka dalka.

    Waxaa kaloo lala wadaagey Ergeyga in dowladiisu kala shaqeyso Ra’iisul Wasaare Rooble sidii uu u qaban lahaa Doorasho xur iyo xalaal ah oo sida ugu dhaqsiyaha badan u dhacda.

    Ergeyga ayaa isagoo is difaacaya dhiniciisa sheegay in Dowladiisu aysan shakhsiyaad taageerin, balse ay taageereen Dawlad Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay Farmaajo gaarsiiyeen fariin adag oo ay ka soo wada shaqeeyeen dowlada Maraykanka.

    Wuxuu kaloo sheegay in uu danaynayo xal u helidda khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo inuu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya si uu u guddoonsiiyo fariin gaar ah uu ka sido Amiirka dalkiisa.

    Dawlada Qatar ayaa u muuqata in ay ka guurtay Farmaajo, baadigoob na ugu jirta xulufaysi siyaasadeed oo hor leh.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.