Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xoghayaha Arimñaha Dibada Maraykanka oo Adis gaaray
    Somalia

    Xoghayaha Arimñaha Dibada Maraykanka oo Adis gaaray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo saraakiil kale.

    Booqashada Pompeo ayaa diiradda lagu saaray amniga, maal-gashiga, is-beddelada siyaasadeed ee Itoobiya iyo muranka Itoobiya kala dhaxeeya Masar, oo ay xulufo yihiin Mareykanka.

    Ethiopia ayaa kadib kulanka sheegtay in Mareykanka uu qorsheynayo “in taageero maaliyadeed oo mug leh” uu siiyo Itoobiya, si loogu xoojiyo is-beddelada.

    Ethiopia ayaa bisha August waxaa ka dhici doonta doorashooyin tijaabo u ah is-beddelada ra’iisul wasaare Abiy, taasi oo uu wacad ku maray inay noqon doonto mid xor iyo caddaalad ah.

    “Doorasho xor ah oo la isku haleyn karo waxay muujin doontaa in qof kasta uu cod leeyahay,” ayuu Pompeo u sheegay weriyayaasha.

    “Ma haysano wax khibrad dimoqraadiyad oo hore ah, balse waxaan masraxa u furi doonnaa dadka oo dhan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andargachew.

    Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Masar ee ka dhalatay biyo-xireenka ay ka sameyneyso webiga Nile, kaasi oo ay kasoo horjeeddo Masar oo xulufo la ah Mareykanka.

    “Waxaa weli jirta shaqo culus oo loo baahan yahay in la qabto, waxaanse ku niyad samahay in bilaha soo socda aan arrintan xallin doonno,” ayuu yiri Pompeo. “Heshiis kama dambeys ah ayaa la filayey bishan.”

    Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka uu bixin doono 8 milyan oo dollar, oo lagu taageerayo ayaxa ka dillaacay Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

    AP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.