Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka Donald Rumsfeld oo geeriyooday
    Somalia

    Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka Donald Rumsfeld oo geeriyooday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 1, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayihii hore ee Gaashaandhiggga Mareykanka Donald Rumsfeld ayaa ku geeriyooday magaalada Taos ee gobolka New Mexico, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay qoyskiisa Arbacadii shalay aheyd.

    “Waa murugo aad u weyn inaan idin la wadaagno gerida halyey qaran” ayaa lagu yiri bayaankan oo aan lagu xusin xilliga uu geeriyooday.

    Donald Rumsfeld, oo ahaa xoghaye awood badan ayaa ahaa ninkii qorsheeyay dagaalkii Ciraaq uu Mareykanku ku qaaday, waxaana markii ciidamada Mareykanku ay meesha ka saareen maamulkii madaxweyne Saadaam Xuseen uu Rumesfeld ku fashilmay in uu soo celiliyo sharciga iyo kala dambeytii Ciraaq, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay ay Ciraaq gashay fowdo iyo rabshado uu ku daatay dhiig badan, kuwaas oo u dhexeeyay Suniyiinta iyo Shiicada.

    Kahor intii aanu Mareykanku dagaalka ku qaadin Ciraaq bishii March 2003, wuxuu Rumsfeld ka digay halista hubka wax gumaada ee Ciraaq, laakiin nooca hubkaas Ciraaq lagama helin.

    Sida ay qortay walaaladda wararka ee Reuters, Rumsfeld wuxuu caan ku ahaaa amar ku taagleyn badan oo uu ku sameyn jiray saraakiisha militariga iyo xubnaha Congress-ka iyo sidoo kale isqabqabsiga xubnaha kale ee kooxdii maamulkii Bush, kuwaas oo uu ka mid ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibadda General Colin Powelll.

    Sanadkii 2004, madaxweyne Bush wuxuu laba jeer diiday inuu aqbalo dalabkii is casilaadda Rumsfeld, kaddib markii ay soo baxeen sawirro muujinayay xadgudubyada shaqaalaha iyo ciidmamada Mareykanka ay kula kaceen maxaabiistii ku xirneyd xabsigii Abu-Qariib, waxaana fadeexadan ay dhalisay cambaareyn caalami ah oo uu Mareykanku la kulmay.

    Rumsfeld ayaa shakhsiyan amray ciqaabihii adkaa ee su’aalaha lagu weydiinayay maxaabiista xabsiyada Ciraaq iyo Guantanamo Bay, iyadoo dadka u ololeeya xaquuqda aadanaha ay sheegeen in maxaabiista la jirdilay.

    Waxay Rumsfeld saaxiibbo dhow ahaayeen madaxweyne ku xigeen George Bush, Dick Cheney oo 1970-yadii ay la soo wada shaqeeyeen madaxweyneyaashii xisbiga Jamhuuriga ee Richard Nixon iyo Gerald Ford.

    Rumsfeld oo ahaa 88-jir, wuxuu noqday xoghayihii ugu da’da yaraa ee waxaada Gaashaanndhigga ee Pentagon-ka Mareykan, wuxuuna la shaqeeyay laba madaxweyne, George Busha intii u dhexday 2001-2006 iyo Gerald Ford 1975-1977.Wuxuu sidoo kale soo noqday agaasimaha Aqalka Cad, duuliye ciidamada cirka Mareykanka iyo Danjirihii Mareykanka ee NATO.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.