Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xogtii udanbaysay Shirarkii Beesha caalamka iyo Farmaajo
    Somalia

    Xogtii udanbaysay Shirarkii Beesha caalamka iyo Farmaajo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 9, 2021Updated:February 10, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xogtii ugu dambaysay Natiijadii kasoo baxday shirarkii beesha caalamka iyo Farmaajo u dhaxeeyay iyo Taladii oo la qaatay Gudigiisa istaraatiijiyada waa ay aqbaleen Qoraalkii beesha Caalamka qoraalkii beesha caalamka wuxuu ahaa :

    1. In muqdisho la isugu yimaado shir deg deg ah 12_ka bisha February 2021 ilaa 17_ka bisha February 2021 ugu dambeyn.
    2. Si xal loo gaaro khilaafkane uga baxo meesha waxa lasoo go’aamiyay deegaan doorashadu hal goob in ay noqotaa.
    3. Maadaama aan la heyn lacagta doorashada 90% waa in Ergada loosoo celiyaa sideedii hore 2016 oo ah 51_Ergo.
    4. Qadiyadda Gudiga maamulaya Doorashada Somaliland 50% waxaa soo xulan doono Raisul wasaare kuxigeenka halka 50% uu soo xulan doono Gudoomiyaha Aqalka sare Si khilaafaadka u dhamaadaan is aaminaad loo helo iyo dalkane xasilooni iyo doorasho lagu kalsoonaan karo loogu dardargeliyo 3_bilood gudahood.
    5. Gudiga doorashada Heer federaal khilaafka ka taagnaa sidiisa loo dhaafo waajibaad kiisa si xikmad leh ula shaqeeyaan gudiyada doorashooyinka ee heer state.
    6. Doorashada Aqalka sare waa in ay bilaabataa 7_Maarso_2021 si dib u dhac doorasho aan loosii gelin.
    7. Heshiiskii Doorashada ee 17_kii September 2020 sidiisa ayuu u dhaqan galayaa marka laga reebo Labada Qodob ee laga bedelay oo ah “”Deegaan Doorashada iyo Tirada Ergada”” inta kale waa sidiisa waxba lagama bedeli karo.
    8. Doorashada Labada Gole Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa in lagu soo gabagabeeyo 60_cisho Gudahood oo ah Laba bilood ugu dambeyn Bisha April.
    9. Sidoo kale mushkiladda ka taagan Hiiraan iyo Gedo waxaa xalin doonta Dowladda soo socota si waqti ku filan ugu hesho in ay u sameesato guddi dib u heshiisiineed khilaaf yadaas xal ka gaara.

    W/Q: Senator Abdulkaadir Geescade.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.