Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xoosh JIbril”Somaliland oo ka maqan Dastuurka afti looma qaadi karo”
    Somalia

    Xoosh JIbril”Somaliland oo ka maqan Dastuurka afti looma qaadi karo”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Dastuurka KMG aan afti loo qaadi karin, iyadoo nidaamka federaalka ee dalka ka maqan tahay Maamulka Somaliland oo horay uga dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
     
    Isagoo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayuu Wasiir Xoosh sheegay in marka la soo gaba gabeeyo dib u eegista Dastuurka uu Baarlamaanka labada Aqal uu talo ka geli doono, kaddibna ay cod u qaadayaan, si uu u noqdo dastuur loo dhan yahay.
     
    Wasiir Xoosh ayaa sheegay in labo sano gudahood la doonayo in loo qaado dastuurka afti dadweyne, hase ahaatee waxaa uu xusay inay caqabado ka imaan karaan, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo siyaasada.
     
    “Dastuurka waa in afti loo qaadaa, labo sano gudahood si xalaal u noqdo, in Ammaanka noo ogolaan waayo, waa laga yaabaa, hadii Amniga noo ogolaadana, tan siyaasiyada ayaa iyana caqabad ah, maxaa yeelay Somaliland oo ka maqan sheeko qarameedkan Afti lama gelin karo Dastuurka”ayuu yiri Wasiir Xoosh.
     
    Waxaa uu sheegay in hadii Afti loo qaado Dastuurka, iyadoo Somaliland maqan ay u muuqaneyso in laga maarmay oo ay ku noqoneyso dal ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.
     
    “Hadii Somaliland aftida ka qeyb qaadan, waxaa u muuqaneynaa inaan dhahno waa idinka maaranay, marka waa inay dariishada furnaato, si Federaalkan socda ay ugu soo qeyb geli lahaayeen”ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil.
     
    Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo wada tashi kula yeelaneysay xarumaha deegaanada maamul goboleedyada, si shacabka looga qeyb galiyo talooyinka ku aadan dib u eegista qodobada Dastuurka.
     
    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ee Agosto inuu furo shirweyne looga hadlayo qabyo tirka lagu sameynayo dastuurka dalka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.