Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»1.4 Bilyan oo laga cafin doono Somaliya
    Somalia

    1.4 Bilyan oo laga cafin doono Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    PARIS — Naadiga ay ku mideysan yihiin dalalka deymaha bixiya ee loo yaqaan Paris Club (Naadiga Paris) ayaa ogolaaday Talaadadii shalay in dib u qaabeyn lagu sameeyo deynta Soomaaliya, taasi oo ay ku jirto in si dhaqsa ah looga dhaafo deyn gaareysa $ 1.4 bilyan oo lagu leeyahay Soomaaliya.

    Go’aankan oo ay markii hore soo warisay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa la sheegay in lagu baabi’inayo ilaa 67 boqolkiiba deymaha ay dalalka Paris Club ku mideysan ku leeyihiin Soomaaliyaa.

    Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxman Beile ayaa go’aankan ugu yeeray tallaabo horey loo qaaday oolagu taageerayo Soomaaliya oo haatan la tacaaleysa xakameynta cudurka coronavirus iyo ayaxa oo fara ba’an ku haya dalagyada deegaano ka mid ah Soomaaliya.

    “Waxaan la yeelannay wadahadallo miradhal guddiga Paris Club, waanna soo dhoweyneynaa taageeradooda in Soomaaliya laga yareeyo deymahan badan ee lagu leeyahay” ayuu Wasiir Beyle u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonto dalalka deymaha bixiya si loo dhammeeyo hanaankan. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto dib u habeynta dhaqaalaha dalka ee ay ku talaabsatay sideeddii sano ee laga soo gudbay si buu yiri awood loogu yeesho deyn cafinta Soomaaliya.

    Sarkaal ka tirsan Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaal dhowr ah la rajeynayo in ay ka cafiyaan Soomaaliya deymo dheeri ah oo ku iman doonta heshiisyo laba geesood ah taasi oo buu yiri ugu danbeyn suurtagelin karta in dhamaan deymaha ay wadamada qaar leeyihiin la baabi’iyo kadib marka ay Soomaaliya dhameystirto tallaabooyin dheeri ah oo la xiriira shuruudaha barnaamijka HIPC muddo saddex sano ah.

    IMF iyo Baanka Adduunka ayaa sheegay toddobaadkii hore in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin u horseedaya in laga cafiyo deymaha.

    Dalalka Soomaaliya deymaha ku leh ee ka tirsan kooxda Paris Club ayaa waxaa ka mid ah Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Baanka Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Dunida ee IMF ayaa intii ay wadaxaajoodka lahaayeen maalintii shalay waxa ay ku booriyeen dalalka xubnaha ka ah Paris Club iney ballanqaadaan in ay si ballaaran deyn cafinta Soomaaliya uga qeyb noqdaan sida ay Reuters ka soo xigatay sarkaal shirkaasi ka qeyb galay.

    Soomaaliya ayaa ah dalkii 37-aad ee u qalma deyn cafinta ka dib markii ay ka soo baxday hanaana HIPC ee ah shuruudaha lagu xiro dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.