Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay
    Somalia

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 13, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la joojiyay Barnaamijka Magangalyada Ku-Meel-Gaarka ah (TPS) ee loo oggolaa muwaadiniinta Itoobiya ee ku nool dalka Mareykanka.

    Go’aankan,waxaa shaacisay xoghayaha amniga gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, waxaana maanta lagu daabacay diiwaanka rasmiga ah ee dowladda (Federal Register).

    Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS),ayaa sheegtay in kadib qiimeyn ay sameysay, ay ku qanacday in xaaladda amni iyo tan bani’aadannimo ee Itoobiya ay hagaagtay, isla markaana aysan hadda buuxin shuruudihii lagu siin jiray TPS, oo horay loo dejiyay sababo la xiriiray dagaallo hubeysan iyo dhibaatooyin bani’aadannimo oo baahsan.

    TPS-ka Itoobiya,ayaa markii ugu horreysay la bixiyay December 2022, waxaana ka faa’iideystay kumannaan muwaadiniin Itoobiyaan ah oo Mareykanka ku noolaa, kuwaas oo helay ilaalin ka dhan ah masaafurin iyo oggolaansho shaqo, hase yeeshee, go’aankan cusub wuxuu dhigaya in dhammaan faa’iidooyinkaas ay si buuxda u dhammaanayaan 13-ka Febraayo 2026, kadib muddo kala-guur ah oo ah 60 maalmood.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    October 19, 2026

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

    October 19, 2026

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    October 19, 2026
    Latest Posts

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    Duqa Garoowe oo Vienna uga qeybagalaya Shirka Maayarada Adduunka

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.