Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….
    Somalia

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 13, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalkii 3-Aad ee Aduunku in uu dhaco,ayaa qarka loo saaran yahay hadaan xal la helin deg-deg ah.

    Dagaalkii Ukrain iyo Ruushku weli,waa sii socdaa,waana soo afjarmi waayay.

    Qorshii nabada ee ugu danbeeyay oo Maraykanku keenay,waa ka gadmi waayay Ruushka iyo waliba Ukrain.

    Qodobka ugu adag ee laysku mari la’a yahay,waa Dhulka Ukrain ee ku jira Gacanta Ruushka oo Maraykanku soo jeediyay in laga dhigo Dhul ka caagan Ciidamada.

    Ruushku ma ogola taas,si lamid ah Ukrain ma rabto oo waxay soo jeedisay in Afti laga qaado dadka degan Dhulkaas.

    Trump oo ballanqaadkiisii xilligii doorashada uu ahaa in uu soo afjarayo dagaalka Ukrain hada,wuxuu si cad usheegay in ay dhici karto in uu qarxo dagaalkii 3-Aad ee Aduunka.

    Xoghayaha guud ee Nato,wuxuu ku dhawaaqay in Nato udiyaar garowdo dagaal.

    Yurub,waxay ku jirtaa Shirar isdaba joog ah oo ay uga tashanayso dagaal ay la gasho Ruushka.

    Guud ahaan Miisaska siyaasada caalamka laga jaangooyo,waxaa saaran dagaal,hadana qol walba,waxay danteedu ku jirtaa Nabad….

    1.Ruush,wuxuu rabaa Dhul uu nabad ku joogo.

    2.Ukrain,waxay rabtaa in loo xaqiijiyo sugnaanshaha amnigeeda.

    3.Yurub,waxay rabtaa khatarta uga imaanaysa Ruushka oo joogsata.

    4.Maraykan,wuxuu rabaa in colaada Ukrain ka soo afjaranto si uu ugu gacan banaanaado ka hortaga kobaca Shiinaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    October 19, 2026

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

    October 19, 2026

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    October 19, 2026
    Latest Posts

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    Duqa Garoowe oo Vienna uga qeybagalaya Shirka Maayarada Adduunka

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.