Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qatar miyay cayrinaysaa Madaxda Ururka Xamaas ee Martida u ah?
    Somalia

    Qatar miyay cayrinaysaa Madaxda Ururka Xamaas ee Martida u ah?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 23, 2024Updated:April 23, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qatar,ayaa Maanta sheegtay in hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas ay ku sii nagaan doonaan Doha inta joogitaankoodu uu faido u leeyahay dadaallada dhex-dhexaadinta ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Qasa.

    Hadalkan,ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaar ay ku warrameen in Xamaas laga yaabo ama la weydiisan doono in ay ka tagaan Saldhigooda Qatar.

    “Ilaa iyo inta joogitaankooda halkan Doha, sida aan had iyo jeer sheegno, uu waxtar u leeyahay dadaalkan dhex-dhexaadinta ah, way sii joogi doonaan halkan,” waxaa sidaas shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed al-Ansari.

    Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay sii wado inay dib u qiimeyso doorkeeda dhex-dhexaadiye ah.

    Qatar oo tan iyo 2012-kii martigelisay hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas, ayada Maraykanka uu raali ka yahay, ayaa waxay toddobaadyo ku lug laheyd wadahadallo daaha gadaashiisa ah oo ku saabsan sidii xabad-joojin loogu soo dabaali lahaa Gaza iyo sii deynta la haystayaasha Israel, ayada oo ku beddelanaysa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu hayo xabsiyada Israel.

    Hase yeeshee kadib markii dhex-dhexaadiyayaasha, oo ay sidoo kale ku jiraan Mareykanka iyo Masar, ay ku guul-dareysteen in la hakiyo dagaalka intii lagu guda jiray bisha Ramadan, ayaa ra’iisul wasaare Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani uu sheegay toddobaadkii tegay in Qatar ay dib u eegeyso doorkeeda.

    Hadalkaas,ayaa dhaliyey tuhuno ku saabsan in Xamaas laga yaabo in la weydiisto in ay ka tagto dalkan ku yaalla Gacanka ee Gaaska hodanka ku ah.

     

    Xigasho;-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.