Video:-Puntland oo ka digtay beegsiga Ardaydeeda iyo Qurbajoogteeda gudaha Somaliland

Dowladda Puntland ayaa maanta ka hadashay xaaladda in ka badan 900 oo arday reer Puntland ah oo wax ka barta jaamacado kuyaal magaalooyinka, Sheekh, Hargaysa iyo Boorama, kadib markii maamulka Hargaysa uu ugu hanjabay in la u gaarsan doono.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in haddii xaaladdu ay sidaasi ku sii socoto aysan ka baaqsan doonin inay ardaydu deegaamadooda ku soo laabtaan.

Quraan Jecel ayaa ardayda ugu baaqay inay Puntland ku soo laabtaan haddii caqabado dhanka ammaankooda ah ay soo wajahaan, inkastoo bulshada kunool magaalada Boorame, maamulka jaamacadda iyo waxgaradka gobolkuba ay sheegeen in hadalka Masuuliyiinta Soomaaliland dartiis aan waxba ardayda lagu yeeli doonin,hoo ska daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka