Beesha caalamka oo dhabarjabinaysa hawlgalka dib uxoraynta Sool Ee Puntland

Madaxweyne Gaas oo dhaga adayg ka muujiyay codsiga IGAD ee ah in ay Puntland aqbasho wada xaajood ay ka gasho Laascaanood.
 
IGAD waxay soo jeediyeen in maamulka Jeegaanta uu dib ugu laabto Laascaanood korkeeda aaga Ganbadhe,sidoo kale Puntland ay horay usoo ruqaansato Taliskeeduna fariisto inta u dhaxaysa Tukaraq iyo Ganbadhe.
 
Aragtidaas waxaa si deg-deg ah u aqbalay maamulka Jeegaanta ee uu hogaamiyo Muuse Biixi oo xaalku ku ciirsanaa taagnaana alow ur kuu bixi,
 
Dowlada Fadaraalka ayaa iyaduna soo dhawaysay taageerana umuujisay qorshaha IGAD.
 
Beri waxaa kusoo wajahan Muqdisho wafti balaaran oo ka socda Urur Goboleedka IGAD,kuwaasoo ujeedka socdaalkoodu yahay hirgalinta qorshahaas.
 
Dhanka Puntland qorshahaas gaashaanka ayay u daruurtay si qayaxana waa u diiday in ay gorgortan ka gasho Laascaanood
 
Madaxweyne Gaas waxuu ku adkaystay in uu sii soconayo hawlgalka dib u xoraynta Sool,gaar haaan caaismada Gobolkaas ee Laascaanood.
 
Fadhigii Golaha amaanka ee Khamiistii ayaa urur Goboleedka IGAD waxaa loogu xil saaray in ay dhexdhexaadiyaan Puntland iyo Somaliland,isla markaana kala qaadaan labada Ciidan miiska wada xaajoodkana soo wada fariisiyaan.
 
IGAD waxaa madax u ah Itoobiya oo xiriir dhow iyo dano gaar ah ay kala dhaxayso Maamulka Jeegaanta.
 
Madaxweyne Farmaajo oo ilaalsanaya dana gaar ah iyo qancinta Itoobiya,ayaa aqbalay qorshahan kuna garab siiyay IGAD.
 
 
 
 
Jibril Qoobey.