Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Sharma-shiikh

Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Madaxweynaha,ayaa shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.