Howlgallo culus oo ka socda Gobalka Sanaag (Sawirro)

Ciidanka taabagelinta Dowladnimada iyo Maamul daadejinta gobolka Sanaag, ayaa shaqadoodii Cashuur balaarinta iyo amni sugida ka wada maalintii 5aad wadooyinka iyo Isgoosyada Magaalada Badhan.

Howlgalkan ayaa soo bilowday 4 Maalmood kahor, Iyadoona Ciidamadu ay baaris ku sameynayaan Gaadiidka Dadweynaha, si loo xaqiijiyo amniga Degmada iyo nidaamka Dowliga ah ee Puntland.

Howlgaladan ka socda Degmada Badhan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Degmadaas ku sugan yihiin Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland, sidoo kalena ay dhowaan Saldhigteen Ciidamo fara-badan oo kusoo biiray Puntland, kana soo goostay Maamulka Somaliland.