Muqdisho: Almaas Elman oo goor-dhaweyd lagu dilay Xerada Xalane

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Goor-dhaweyd lagu dilay gudaha Xerada Xalane ee saldhiga u aha Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, Almaas Elman Axmed oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Almaas Elman ayaa hadda ka tirsaneyd  Hey’adda Elman Peace oo uu Aas’aasay Aabaheed Elman Axmed oo caan ku ahaa ka Shaqeynta Nabada, kaas oo isna Muqdisho lagu dilay.

Dilka Elmaas ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, Ilo-wareedyo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaana sheegaya in dilkeedu uu yimid kaddib markii Gaari ay wadatay xabad lagu riday ay ku dhacday, waxaana ay u geeryootay dhaawac soo gaarey xilli lagula tacaalayay isbitaal ku yaalla Gudaha xerada.

Almaas Elman ayaa waxaa ay Walaalo ahaayeen gabadha Soomaaliyeed ee u tartamaysa billadda Nabadda ee Ilwaad Elman oo siweyn looga yaqaano Caalamka, waxaana weli la ogeyn cida ka dambeysa dilkaas.

Xerada Xalane ee Muqdisho ayaa ah goob ammaankeedu aad u adag yahay, waxaana ku yaalla safaaradaha Dalalka Reer Galbeedka ee Soomaaliya, Sidoo kale waxaa degan xarumaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hotelo  ay degan yihiin Ajaanib fara-badan.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.