Garoowe: Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Rag geystay dil iyo dhac

Ciidanka Amniga Gobalka Nugaal ayaa gacanta kusoo dhigay Rag 24 saac er lasoo dhaafay falal amni-darro ka geystay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, sida uu bartiisa Facebook ku shaaciyay Duqa Garoowe Axmed Siciid Muuse.

Guddoomiye Axmed Barre ayaa sheegay in laamaha amnigu ay qabteen Labo Nin oo falal isugu jira dil iyo dhac ka geystay Caasimadda, ayna Cadaaladda horkeeni doonaan.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Guddoomiye Axmed Barre.

“24 saac u dambeysey dilkii dhacay, waxay gacanta kusoo dhigeen laammaha ammaanku eedaysanihii, haddana waa xiran yahay.
Waxaa kaloo jira, wiil yar dhibane u ah in mid kale baad iyo jirdil isugu daray. Eedaysanihii wuxuu ku xiran yahay saldhigga dhexe. Dhibanihiina waxaa loo diyaariyey dhaqtarka si loogu dabiibo, nabarrada gaareyna loogu soo caddeeyo.

Magaalo kasta way ka dhacaan dembiyo waaweeyn, balse waxay leeyihiin hab loo raaco. Waxaa lala xiriiriyaa hay’adaha u xilsaaran si wax looga qabto. Waxaad tahay muwaadin, caawi dhibanaha oo gee meeshii wax loogu qaban karo”.