Baarlamaanka Galmudug oo soo saaray go’aamo la xariira Aqalka Sare

Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa kulan ay yeesheen kadib soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa leh “hadii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale.

Qodobka ayaa lagu qeexay mid fursado dhaqaale ay ku sameysanayaan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug, waxaana go’aanka uu horseedi doonaa in musharixiinta Aqalka Sare ee Galmudug ay laaluush siiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.