QM “350,000 oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka Suuriya”

Falanqeyn ay Qaramada Midoobey ku sameysay dilalka diiwaangashan ee dagaalka 10-sano ka socda dalka Suuriya ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 350,000 oo qof oo rayid ah la dilay intii u dhaxaysay bishii March 2011 oo ku aaddan markii ay qarxeen qalelaasaha dadlkaas iyo March ee sanadkan.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xil iska saaray falanqaynta, una soo gudbiyay natiijooyinka Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana xafiiskan uu joojiyay tirinta dhimashada dagaalka sokeeye sanadkii 2014, iyado sababatana ay ku sheegeen uruurinta macluumaadka la xaqiijin karo oo noqotay mid aad u adag oo khatar badan.

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet ayaa sheegtay in xogta tirada dhimashada la xiriirta isku dhacyada ay ka badan tahay 350,000, waxaana xogtan aruuriyay ururada bulshada rayidka iyo dowladda Suuriya.

Tirada ugu badan ee dilalka la diiwaangeliyey ayaa ka dhacay magaalada Alepp, waxaana ku xiga miyiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq oo ay dad badan ku dhinteen iyo magaalooyinka, Homs, Idlib, Hama, iyo Tartus.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu ogaaday in ugu yaraan qof ka mid ah 13-kii qofba uu ahaa haween, halkaa sidoo kale ku dhawaad qof ka mid ah 13-kii qofba uu carruur ahaa.

Colaadda Suuriya ayaa dhalisay dhibaatada ugu weyn ee qaxootiga adduunka, iyadoo lagu qiyaasay 6.8 milyan oo qaxooti iyo dad magangelyo-doon ah oo badankood ku suganyihiin dalalka deriska ah, halka 6.7 milyan oo qof oo kale ay ku barakaceen gudaha Suuriya, waxaana wadarta guud ee si khasab ah uga barakacay Suuriyada ay ka badan 13.5 milyan oo qof oo ka badan kala bar dadka Suuriya.

VOA

Idilnews