Kooxda Talibaan oo dishay burcad afduub geystay

Maamulka Taalibaan ee magaalladda Herat ee Galbeedka dalka Afganistan waxay ku dileen, isla markaana ay Wiish ka soo lalmiyeen 4 qof oo ku eedeysnaa inay afduubteen Ganacsade Deegaanka iyo Wiil uu dhalay.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobalka Herat, Sheer Axmed Amar ayaa sheegay in dableyda lagu dilay is-rasaasayn, xilli ay doonayeen inay La-haystayaasha la baxsadaan, iyadoo lagu dilay bar Kontorool oo ay Daalibaan ku leeyihiin nawaaxiga Deegaankaasi.

Askari ka tirsan kuwa Taalibaan ayaa ku dhaawacmay iska horimaadkaasi.

Maydadka dableyda waxaa loo soo qaaday Bartamaha magaallada, iyadoo meel fagaare ah lagu lalmiyey maydadkii, waxaana Baraha Bulshada soo dhigay Muuqaalka iyo Sawirada Maydadka oo laga lalmiyey Wiish kor loo dallacay.

Mid ka mid ah dableyda la dilay oo dhulka yaallay waxay Taalibaan laabtiisa ku qoreen: “Afduubayaasha Aidan ayaa loo ciqaabi doonaa!!!?”.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Herat, Ziaulhaq Jalali waxa uu tilmaamay inay soo badbaadiyeen Ganacsadaha la afduubtay iyo Wiilkiisa, isla markaana ay caafimaad qabaan.

Idilnews